|

Warbaahinta Muqdisho Oo Heshay Jadwalka Doorashooyinka Dalka Soomaaliya Iyo Waqtiyada Rasmiga Ah Ay Dhacayaan AKHRI

Muqdisho 07,Aug 2016 (SDN/QJ):- Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa heshay Jadwalka ay Guddiga Doorashada heer Federaal u gudbiyeen Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ku shirsan .

Jadwalkan oo lasoo sheegayo in Hogaamiyaasha shirsan badankood isku raaceen lana filayo in ay saxiixaan ayaa waxaa ku xusun waqtiga rasmiga ah xiliyada ay dhacayaan doorashooyinka Aqalka sare , Aalka hoose ,Gudoonka Baarlamaanka iyo tan ugu dambeysa ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya’ waxaana suurto gal ah in isbadal yar lagu sameeyo jadwalkan ama sidiisa lagu saxiixo maalinta oo Axad ah.

Doorsahada Soomaaliya ayaa sida la filayay waxaa ku yimid dib u dhac, waxaana Doorashada ugu dambeysa ee Madaxweynaha Soomaaliya ay dhaceysa 7-bisha November ee sanadkan, halka Gudoonka Baarlamaanka la dooran doono 28-ka bisha Octoper.

Jadwalka aan helnay ayaa qeexaya in Doorashada Aqalka sare la qabanayo 25-ka bisha September ee sanadkan halka Doorashada aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya iyana soconeyso 1da October ilaa 14-ka October.

Halkan ka Aqriso Jadwalka Doorashooyinka iyo sida ay wax u soconayaan.

jadwaal1 jadwaal2 jadwal3

 

 

Comments are closed