|

“25 sanadood waxa dunida Shirkado jira GENEL OIL iyo DP WORLD oo keliya ayaynu haynaa wax Somaliland aamini kara oo Maalgashi ku samayn kara” Cali Guray

Hargaysa 07,Aug 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” ayaa ka digay in La Siyaasadeeyo Mashruuca Maalgelinta Dekeda Berbera.

cali-gurayCali Guray ayaa qoraalkan ku baahiyey barta uu ku leeyahay Shabakada Facebook “25 sanadood waxa dunida Shirkado jira GENEL OIL iyo DP WORLD oo keliya ayaynu haynaa wax Somaliland aamini kara oo ku dhiirada inay maalgashi boqolaal milyan ah gashadaan. Aniga waa ii laba shirkadood oo iiga gaar ah waxa dunida Shirkado jira oo dhan. Kuwii haystay ruqsadaha Sahaminta Saliida Somaliland ee ugu waawaynaa dunida ee Maraykanka wada ahaa ayaan dib inoo soo eegin 25 sanadood oo aan dan iyo muraadna inaga lahayn. Kuwo kalena daa hadalkooda.
Hadaba inaga oo dal yar oo Afrikaana ah oo weliba dunida aanay jirin dawlad keliya oo aqoonsani hadii ay fursad dhif iyo naadir ahi mar dirqi ku helno waxa waajib ah in aynaan luminin ee ka faaiidaysano hadiise la siyaasadeeyo ama hunguri wed ma arkee inagu gacmaheena ku fashilino Maalgashiga mar ina soo hoomaaya waxan leeyahay anigu waa ayaan darro. Dhaqaale ahaan keligeen is bixin karimayno, dadkeena shaqo uma abuuri karno aakhirkana lugo kuma taagnin is xejin karimayno oo iskeen baynu u dumi.
Somaliland waynu naqaanaa inta miisaaniyadeenu dhan tahay sida aan u arko Hargeysa oo Caasimadda Somaliland ah miisaaniyad ahaan ma kefayso. Bal eeg miisaaniyadaha kuwa inoogu xiga ee Djbouti iyo Dawlad Degaanka Soomaalida Ethiopia halkay kaga dhacaysaa?

Maalgashiga Dekedda Berbera
Anigu diiday in la siyaasadeeyo oo lagu mucaarideeyo Mashruuca Dekedda Berbera. Mashruuca DP World hadii ay wax ka qaldan yihiin waxa ka xun in gebi ahaanba la waayo. Taa nasiib darro ka wayni ma jirto aniga xagayga. Reer baa cadhaysan oo taageeradooda lagu helayaa in la diido maalgashiga Berbera ha diido oo isagu ha ku helo ka ku helayaa; lakiin aniga taariikhda ii gelimayso in aan ka soo horjeedsaday Maalgashiga DP World mar hadii aanan arkayn wax dhaama oo aan ku doorsado. Hadalka Xildhibaan Siciid iyo inta xisbigiisa ah ee qaylada dheer afka gacanta wada saartay hiil ha u qaadato cidii ay hiil u noqonayso aniga hadalkaygana ha u qaato ka u qaadanayaa in aan ka hiiliyay. Taariikhda ayaa sheegi doonta.

Mashruucan kuwa dheefta gaarka ahi ugu jirto, way jiraan eh, anigu kuma jiro oo mucaarid baaban ahay. Hadii la waayo lafteedana anigu wax gaar ah kuma waayayo. Xataa hadii la diidayo oo reernimo lagu diidana waa haduu sii go’ay. In badan oo runta og ayaan ku dhici karin inay ka badheedhaan oo meel cad iska taagaan lakiin anigu waan qaldanaan karaa balse weligay wax aan qabo ma qarsan oo ugama waabanin waxa lagu moodi, waxa loo qaadan, hebel iyo reer habel baa ka cadhoon. Mar kasta hadana hadii aan qaldanahay waxaan ogolahay in la i saxo.

Caligurey

Comments are closed