|

24 Saacadood kadib MarkiiMadaxweyne Siilaanyo Digreeto ku abuuray Ciidamo Gaar ah oo loogu talo galay Ilaalinta Sahaminta Shiidaalka iyo Shirkad Qandaraaskii ku Guulaysatay

Hargaysa 30.Sep 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha guddida qandraasyada qaranka Somaliland Md. Aadan Axmed Nugaal, ayaa ka warbxiyay tirada shirkado soo codsadey qandaraaska ciidamo loo sameynayo illaalinta shirkadaha shidaalka ee (OPU) iyo habkii ay u kala saareen shirkadahaasi, isagoo xusay inay ku guulaysatay qandaraaskaasi qiimayn ay sameeyeen ka dib shirkada Salahadiin kuna qaadatay lacag dhan $6,000,000, balse uu xusay in uu hadhsan yahay saxeexii  ugu dambeeyay.

 

nugaal-1-300x237Guddoomiyaha Nugaal, waxaa sidan uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu  ku qatay xafiiskiisa isaga iyo wasiir ku xigeenka maamulka wasaarada arrimaha gudaha Md: Cismaan Garaad Maxamuud Garaad Soofe.

 

Guddoomiyaha Nugaal,  oo ugu horrayn shir jaraa’id ka hadlay, ayaa sharraxay hawsha qandaraaska iyo nidaamka ay ku kala sareen waxaanu hadalkii ku bilaabay isagoo arrimaahaasi iftiiminaya,“marxalado badan ayuu soo maray tartanku qandaraaska shirkado ayaa tartamay garina laba nin kama wada qosliso, hadii la baratamo ama la garamo mid uun baa gartu raacdaa, qandaraaska waxa loo sameeyay booliska tababarkiisa iyo wixii la xidhiidha, sidee loo tababarayaa ciidanka farsamo ayuu u baahan yahay sida  macalin iskuulku u diyaariyo casharada uu ardeyda u dhigayo, maxaa loo dhigayaa askariga ayaa ku jira. Shirkad ayaa qandaraas lagu siiyay farsamadii lagu dhisi lahaa ciidanka si loo waafajiyo nidaamka dowliga ee caalamka”.

 

Gudoomiyuhu waxaanu intaas ku daray, “lix shirkadood ayaa qandaraaskaa ka soo qayb galay dabcan oo kala jaad-jaad midiba wax bay ka soo shaqeysay midiba wax bay takhasus gaar ah  u lahayd guud ahaana waa shirkado ammaanka ka shaqeeya waxaan lagu kala saarayaa qodobo  ay ka mid yihiin 1. Aqoonta 2. Lacagta ay soo qorteen 3. In shirkadu tahay mid jirta oo shaqeysa khibrad ma leedahay 4. Qiimayn lagu sameynayo profileka shirkada. Laba shirkadood oo midi Somaliland ay ka shaqeyn jirtay Olive oo imka mid kale ay isku darsadeen oo layidhaahdo Olive New Port Africa iyo shirkada Salahadiin ku soo baxay qiimayntii dambe”.

“Labadii shirkadood qiimayn ka dib waxaa la isla qaatay shirkada Salahadiin ayaa qandaraaskii la siiyay kuwaasaana helay, gorgortan ayaanu galanay waxay soo qorteeb $6,838,000 qolada kakena waxay soo qoratay $ 8,000,000. Gorgortan ka dib waxaa lagu siiyay $6,000,000.”

 

Guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Aadan Axmed Nugaal, waxa kale oo uu sheegay in aan wali la saxeexin qandaraaskaasi, waxaanu sheegay inay ku xidhan tahay asixinta xeerka booliska madaxweynuhu doraad soo saaray, shir dambe oo lala yeelan doono  shirkada ku guulaysatay isla markaana la hubin doono  lacag qandaraaskaas.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed