|

Gudi Golaha Guurtida oo Qodobo Cusub ka Soo Saaray Khilaaf ka Taagnaa Deegaanka Balli Diiriye oo Laba Beelood ay ku Muransanaayeen

Burco 30.Sep 2014 (SDN/QJ)- Guddidii ka tirsanayd Mudaneyaasha Guurtida Somaliland ee madaxweyne Axmed Siilaanyo u magacabay inay soo af jaraan khilaafka dhuleed ee ka taagnaa deegaanka Balliga Diiriye Guuleed ayaa Shalay Gabal  soo saaray qodobo lagu xaliyey khilaafkaasi.

Guddida xildhibaanada ah oo todobaadii u danbeeyey magaalada Burco u jogay sidii ay xal uga gaadhi lahaayeen khilaafka labada beelood ee deegaanka Balliga Diiriye Guuleed ayaa si rasmiyga ugu dhawaaqay qodobo ay labada dhinacba isku raaceen oo lagu soo af jaray colaadaasi.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Oo ka mid ah guddida ka socotay golaha guurtida ayaa ku dhawaaqay qodobada ay ka soo saareen khiaafka dhuleed ee deegaanka Balliga Diiriye Guuleed waxaanu yidhi “ Guddida golaha guurtida somaliland waxay soo saareen qodobadan hoos ku qoran oo ay ku soo af jareen khilaaafkii ka taagnaa deegaanka Balliga Diiriye Guuleed kuwaas oo kala ah

1.Waxa sugnaatay jiritaanka tuulada bariga diiriye guuleed iyo gudomiyaheda waxaase ka reeban in la kala sheegto dagsimada tuulada, hana wada dagaan sida ay labada tuule ee kale u wada yaalaan labada reerood

2. In dhulka ku hareeraysan sadexda tuulood dhexdoodu ay tahay xoolo daaqeen lagana samayn karin beero wixii hore looga oodayna waa in la babiiyo

3.In wixii waxyeelooyin hore u kala gaadhay ay ku dhamaystaan si walaaltinimo iyo dhaqankeena suuban iyo shareecada waafaqsan ay ku dhamaystaan

4.In wixii khasaare ka soo gaadhay beesha Cabdale Arab go,aankii wasiirada ay xukuumadu bixiso mag dhawgooda oo dhan sadex barkadood qodistood iyo labada dar gadood.”ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan
Dhinaca kale badhasaabka gobolka Togdheer oo isaguna ka hadlay kulankan lagu shaacinayey qodobada lagu soo af jaray khilaaafki deegaanka Balliga Diiriye Guuleed ayaa waxa uu labada dhinacba kula dardaaarmay inay ilaaliyaan nabad-gelyada.

Burco SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed