|

Radio Hargeysa Oo Ku Kaliyeysatay Wacyi-gelinta Diwaangelinta Dadweynaha Iyo Macluumad Fashil ku dhow

Hargaysa 30.Sep 2014 (SDN/QJ)- Diwaangelinta Madaniga ah ee dadweynaha reer Somaliland, ayaa bilaabantay toddobaadkii hore, waxaana degmooyinka Hargeysa la geeyay shaqaale diwaangeliya dadweynaha.

WARAN-CADDE-QALABKA-DIIWAANGELINTA-IYO-MADAXWEYNE-SIILAANYO-300x200Diwaangelinta Madaniga ah, ayaa waxa markiiba lagu bilaabay Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasiirrada xukuumadda qaarkood oo la socday Madaxwaynaha, waxayna dhammaantood halkaasi ka sheegeen muhiimadda qaadashada kaadhka diwaangelinta Madaniga ah, si loo kala garan karo muwaadiniinta reer Somaliland iyo dadka ajaanibka ah ee dalka ku sugan. Laakiin diwaangelinta Madaniga ah waxay waajahdey cawaaqibkii u horeeyay ee ka hor yimaadda, waxaana durba habka loo maamulayo ka biyo diiday shaqaalihii loo diray dwiaangelinta dadweynaha iyo weliba Madax-dhaqameedkii la shaqeyanayey.

Cabashada Shaqaalaha Iyo Madax-dhaqameedka:

Shaqaalaha diwaangelinta iyo Madax-dhaqameedkii ka caawinayey dadka la diwaangelinayo, ayaa doraad cabasho la hor-tagey xarunta wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ee Hargeysa, waxayna qaarkood halkaasi geeyeen qalabkii diwaangelinta lagu samaynayey, ka dib markii sida la sheegay dhalinyarada diwaangelinaysa dadweynaha lacagtii loo ballan-qaadey inay maalintii ku shaqeynayaan badh laga dhimay.

Halka Madax-dhaqameedkuna saxaaafadda u sheegeen in lagu war-geliyey inay maalintii oo dhan ku shaqeynayaan $ 3 doollar, taasi oo ku sheegeen waxaan suurto-gal ahayn, maadaama oo ay shaqada diwaangelinta u taagnaanayaan lix ilaa lix “Lacagtii lagu shaqeynayey waxa goosatay wasaaradda arrimaha gudaha, ee annagu maanaan joojin diwaangelinta Madaniga ah” sidaa waxa saxaafadda u sheegay Caaqil Siciid Cabdi Jaamac.

Wacyi-gelinta Dadweynaha:

Diwaangelinta Madaniga ah oo la bilaabay, iyada oo la ansixin xeerkii lagu maamulayey oo ilaa hadda hor-yaalla Mudanayasha Golaha Wakiilada, ayaaney dadweynuhu ku wacyi-gashanayn, laakiin wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland si kedis ah u bilowday, iyada oo ku sheegaysa inay tijaabo tahay, laakiin u muuqata in si rasmiya loo bilaabay “Diwaangelinta Madaniga ah waa tijaabo, waxayna u bilaabmi doontaa si rasmiya” ayuu yidhi, wasiirka arrimaha gudaha oo ka hadlayey bilowgii diwaangelinta, waxaanu intaasi ku daray “Wakhti badan baynu haysannaa”.

Laakiin, wasiirka arrimaha gudaha iyo Wasiirrada kale ee bilowga diwaangelinta ee ka hadlay muhiimadda diwaangelintu marna kama hadal, mana soo qaadin wacyi-gelinta dadweynuhu u baahan yihiin in loo sameeyo diwaangelinta, Maadaama oo diwaangelinta la bilaabay wakhti dadweynuhu ku mashquulsanaayeen khilaafkii ka taagnaa qabsoomiddeeda.

Dadweynaha reer Somaliland, siiba kuwa ku dhaqan caasimadda Hargeysa ayaa is waydiinaya sababta ilaa hadda wasaaradda arrimaha gudaha iyo guddidii loo xil-saaray hawshani u samayn waayeen wacyigelin la xidhiidha diwaangelinta ee loo heli waayay istiikaradii dadweynaha ku hagayey muhiimadda diwaangelinta.

Inkasta oo wasaaradda warfaafinta Somaliland ay idaacadda Radio Hargeysa ka bilowday barnaamijyo ka hadlaya arrintaasi, haddana warar kale oo dheeraad ah ayaa sheegaya in wasaaradda arrimaha guduhu ay dhaqaalihii loo qorsheeyay wacyi-gelinta ee loogu talo-galay saxaafadda Madaxa-banaan si qaldan u adeegsatay, isla-markaana aanay jirin wax dhaqaale ah oo ay saxaafadda u qorsheysay, si ay uga qayb-qaataan wacyi-gelinta dadweynaha. Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli inta badan dadweynuhu aanay wax fikir ah ka haysan diwaangelinta la bilaabay.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday

 

Comments are closed