Uncategorized

“26 Jun Marka Ay Gaadho Bal Kursiga Ha Kugu Soo Celiyo, Saleebaan, Xaaji Cabdi Waraabe Iyo Indho-indho” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Hargaysa 12.May 2015 (SDN/QJ)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa qaaddacay Muddo-kordhinta Guurtidu ku dhawaaqday maanta ee labada sano ee labada bilood ka dhiman yihiin ah, isla markaana waxa uu Guddoomiyaha UCID sheegay sidii uu shalay-ba ballanqaaday inay dib ugu noqonayaan heshiiskii hore ee Guddiga doorashooyinka ee halka sano ahaa haddii ay Guurtidu dhaafto heshiiskii dambe ee Xisbiyadu u gudbiyeen ee dhigayey in la kordhiyo sannad, shan bilood iyo 15-cisho.

Shir Jaraa’id oo ay Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ku qabteen Xafiiskooda magaalada Hargeysa, waxa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbigaas Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inay xaaraan tahay muddo-kordhinta Guurtidu ku dhawaaqday, isla markaana aan loogu danaynaynin dalka iyo dadka Somaliland, balse cid gaar ah loogu danaynayo, Odayaasha Guurtiduna ay sitaan Kiishash ay lacag ku urursanayaan, keliyana hungurigooda ka fikirayaan iyo sidii ay daaro dhaadheer uga dhisan lahaayeen.
https://www.youtube.com/watch?v=_-LlyhZiba8