|

R/wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Gobolka Gedo

Garbahaarey March 31 2013 (SDN)— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa gaaray Gobalka Gedo isaga iyo xubno kamid ah Wasiirada Soomaaliya oo maalmahan booqasho ku maraye Gobalada dalka.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ka dagay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garbahaareey halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen maamulka Gobalka Gedo iyo shacab badan.

Wasiirada arimaha gudaha iyo gaashaandhiga ayaa la socda Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyadoo shacab badan ay kusoo dhaweeyeen Magaalada.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa kulamo kala duwan la qaadan doono maamulka Gobalka Gedo iyo sidoo kale shacabka Degmada Garbahaareey ku nool.

Shalay ayuu tagay Degmada Jowhar halka jimcihii uu kasoo noqday Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose.

SDN-Garbahaarey

Comments are closed