Balli Gubadle 11.Aug (SDN) Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland oo uu Weheliyo Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Cadaalada ayaa maanta Socdaal Shaqo ku tagay Magaalada Balli Gubadle ee Xarunta Gobolka Hawd.
Ujeedada Socdaalka Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Madaxda Wehelinaysa ayaa salka ku haya u kuurgalida baahiyaha garsoor ee degmada bali gubadle iyo weliba Dhagax dhig ay u sameeyen dhisme loogu talo galay maxkamada degmada bali gubadle .
Gudoomiyaha Gobolka Hawd Ibraahin Xaaji Xasan Cali iyo Maayarka Maayarka degmada ayaa soo dhaweeyay dhagax dhiga dhismahan .
Gudoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf ismaaciil Cali iyo Mas’uuliyiinta la socotay waxay waxay kulan kula yeesheen Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Balli Gubadle oo ka waramay baahiyaha maxkamada iyo hawl gudashada waajibaadka ay qaranka u hayso. .
Gudoomiyaha Maxkamada Sare ayaa balanqaaday inuu wax badan kala qaban doono hawlaha garsoorka ee degmada balli gubadle u baahan tahay si ay uga maarmaan ayuu yidhi in magaalada hargaysa loogu soo maxkamadeeyo dadka eedaysanayaasha ah ee ay gacanta ku hayaan.
Balli Gubadle SDN.
Qurbejoog.com
