Washington 11.Aug (SDN) Dowladda Mareykanka ayaa maanta oo Axad ah dib u fureysa 18 ka mid ah 19 safaaradoo iyo Qunsuliyado ay xirtay Axadii hore sababo dhinaca amaanka ah.
Mareykanka ayaa xiray goobahan ka dib markii ay soo baxeen digniino caalami ah oo ku aadan in laga yaabo in Alqacida ay weeraro geysato, waxaana digniintu ay ka dambeeysay markii sir doonka mareykanka ay dhageysteen wada hadal dhex marayay
Madaxa Alqacida, Ayman al-Zawahri oo ku suggan Pakistan, oo amrayay madaxa Alqacida ee Gacanka Carabta inuu fuliyo weerar aysan labada hogaamiye midna cara baabin halka uu ka dhacayo.
Safaaradda Mareykanka ee caasimadda Dalka Yemen ee Sanca, ayaa iyadu sii xirnaan doonta.
Jimcihiina wasaaradda Arimaha Dibadda ee Mareykanka Jen Psaki ayaa sheegtay inay jireen walaacyo la xiriira weeraro suurta gal ay tahay in Alqacidada Gacanka Carbeed ay geystaan, gaar ahaan danaha Mareykanka iyo reer galbeedka ee gobolka.
Sabtidiina , wasiirka difaaca ee Yemen, Nasser Ahmed, ayaa arimaha amaanka kala hadlay ku xigeenka safiirka Mareykanka ee Yemen, Karen Hideko Sasahara.
Wakaaladda wararka u faafisa dowladda Yemen ee SABA news agency ayaa sheegtay in Sasahara uu ku nuux nuuxsaday baahida loo qabo in Yemen laga taageero dadaalka dhinaca amaanka, gaar ahaan la dagaalanka argagixisada.
Sidoo kale qunsuliyadda Mareykanka ee Magaalada Lahore ee dalka Pakistan oo sababo dhinaca amaanka ah loo xiray khamiistii ayaa sii xirnaan doonta.
Washington SDN.
Qurbejoog.com
