Uncategorized

Ra’isal Wasaare Saacid oo ka hadlay waxqabadka Dawlada Federaalka Somalia

Muqdisho 11.Aug (SDN) Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa sheegay in Xukuumadiisu ay wax badan ka qabatay xaalada dalka tan iyo markii la dhisay, isagoo xusay inay guulahaas ka mid ahaayeen in la qaaday Isbaarooyin badan oo Magaalada Muqdisho la dhigtay.

Saacid Faarax Shirdoon ayaa sheegay in Xukuumadiisu ay sidoo kale wax ka qabatay hay’adaha miisaaniyada dalka, taasoo keentay buu yiri in daqligii ka soo geli jiray DF gudaha dalka uu sare u kaco.

“Xukuumadu intii ay jirtay waxay qabtay waxyaabo badan oo laga xusi karo in la qaaday 60 Isbaaro oo ay Magaalada gudaheeda dhigeen kuwo aan wax ka aqoon dowladnimada, kuwaasoo ay ka heli jireen malaayiin lacag Somali ah maalin walba” ayuu Saacid yiri.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in Xukuumadiisu ay ku guuleysatay inay wax ka qabato amaanka dalka, isagoo sheegay in goobo badan oo nabad-galyo xumo ay ka jirtay ay haatan yihiin kuwo amaankooda la isku haleyn karo.

“Amniga markaan ka hadlo wax badan ayaa laga qabtay, waxaana goobaha aan xooga saarnay ka mid ah Muqdisho, Inkastoo ay jiraan waxyaabo yar-yar oo mararka qaarkood dhaca inta badan amaanku waa mid sugan, qorshe cusub ayaana u dajinay hada” ayuu Saacid hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Somalia wuxuu sheegay in xukuumadiisu ay ku talo jirto sidii ay wax uga qaban lahayd amaanka guud ee dalka ayna ka bilaabi doono Muqdisho, isagoo xusay in dadka Muqdisho ay heli doonaan nabad ay goobtii ay doonaan ku tagaan iyagoo aan baqdin qabin.

“Dhaqaalaha dalka markaan ka hadli, tusaale ahaan bishii October ee 2012, daqliga DF kasoo galay gudaha wuxuu gaarayay $2.5 milyan, howlo badan oo dowlada horyaalay ayaana lagu qabtay” ayuu hadalkisa raaciyay.

Arintan ayuu sheegay inay ku timid markii isbedel weyn lagu sameeyay hay’adaha maaliyada dalka, wuxuuna xusay in lala dagaalamay musuq-masuqii dalka ka jiray iyo hantidii la iska urursan jiray.

Gabagabadii hadalkiisa ayuu sheegay in xukuumadiisu ay la timid dhowr qodob oo ay doonayso inay dalka wax uga qabato, kuwaasoo uu sheegay inay ka mid yihiin sugida Amniga iyo hagaajinta cadaalada.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com