Nasr Sept Wasiirka Arrimaha Guddaha ee dalka Masar ayaa ka badbaaday qarax lala beegsaday kolnyo gawaari ah oo u galbinayay xafiiskiisa.
Qaraxan oo ka dhacay goob aan sidaa uga fogeyn aqalkiisa oo ku yaal xaafada Nasr oo ah degaan ay aad ugu badan yihiin taageereyaasha xisbiga ikhwaanka.
Ikhwaanka ayaa isla markii qaruxu soo shaac baxay canbaareyay falka la damacsanaa in lagu khaarijiyo wasiir Maxamed Ibrahim.
Wasiirkan oo ah ka ciidamadu hoos yimaadaan ayaa ah ka qaatay tilaabadii dadka faraha badani ku dhinteen ee iska horkeentay ciidamada iyo taageereyaasha Ikhwaanka.
Wasiirka Arrimaha Guddaha ee Masar Maxamed Ibrahim oo saxaafada la hadlay saacado ka dib kolkii qaraxu dhacay ayaa argegixiso wax uu ugu yeeray sheegay in ay ka danbeeyeen.
Ilaa dhwr iyo toban ruux oo u badan askartii ilaalada u aheyd wasiirka ayaa qaraxa ku dhaawacmay.
Sida ay ilo wareedyo sheegeena waxa qarax geystay ruux is miidaamiyay oo meydkiisa laga helaygaari uu watay meel u dhaw.
Qaraxan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee nuuciisa ah ee lala beegsado wasiir ka mid ah xukuumada gacanta ka hesha ciidamada dalka Masar ee xooga kula wareegay talada dalka Masar.
SDN-Nasr
contact@somalidiasporanews.com
