Moscow Sept 06,2013(SDN)-Dawlada dalka Ruushka ayaa sheegtay in ay geysay xeebaha dalka Syria maraakiib dheeri ah maalmo uun ka dib kolkuu madaxweynaha Mareykanku sheegay in duqeyn ciqaab ah uu doonayo in lagu qaado xukuumada Syria.
Madaxweynaha Ruushka oo marti gelinaya shirka ururka G20 ayaa mar kale ku celiyay in aanu aaminsaneyn in xukuumada dalka Syria ay duqeyn loo adeegsaday hubka sunta qaada ay shacabkeeda u geysatay.
Dalalka reer Galbeedka ayaase qaba in ay hayaan xog muujineysa in duqeyn ay xukuumada Syria u geysatay duleedka Caasimada Dimishiq ay sun adeegsatay.
Dawlada Ruushka ayaa ku micneysay sababta ay maraakiibta dheeriga ah u geysay baddaha Syria ay tahay iyada oo damacsan in dalkaas laga soo daad gureeyo muwaadineen Ruushka u dhashay oo Syria ku nool.
Shirka Ruushku marti gelinayo ee ururka G20 ayay eheyd in la iskula eego xaaladii dhaqaale ee dunida u danbeeyay waxaana muuqata in haatan hadal heynta xaalada Syria ay noqotay waxa keliya ee la isla soo qaaday.
SDN-Moscow
contact@somalidiasporanews.com
