Uncategorized

“intii yarayd ee la inoo ictiraafsanaa Haddii la yidhaahdo Galbeedkii Nabad maaha Isaag-land Bay Noqonaysaa, waana ta la inala doon-doonayo” Gudd. Faysal cali waraabe.

Hargeysa:6-Sep-2013(SDN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa xukuumadda  Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inay waddanka ka ridday qas iyo jaah-wareer ba’an. Islamarkaana sabab u noqotay in meelo badan oo dalka ah Nabadgelyo darro ka dhacdo.

waraabeEng. Faysal oo maalintii shalay khudbad dheer ka jeediyey madal ay xubno ka tirsan golaha Deegaanka ee Degmada Saylac kaga biirayeen xisbiga Ucid, ayaa sheegay in dhibaatadu maalinba maalinta ka dambaysa ku sii badanayso Deegaanada Somaliland.

 

Guddoomiye Faysal, ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan, “ Waanu jeclayn waddani inuu qurux bato oo noqdo waddan cusub oo qabiil ka suulsan oo sharci, distoor iyo caddaalad ku shaqeeya, dhibaato badan baana maanta dalka ka taagan, dhibkaa aad sheegaynaysaana idinka oo qudha idinkuma eka’e ergaa lagu wada maqan yahay.Beri horena waxan idhi dawladda Somaliland waxad mooddaa Dab-demis, goor rabash dhacay ayey yaacayaan, laakiin waxa cudurka keenaya ayaa laga hortagaa.”

Sidoo kale waxa uu Guddoomiye Faysal carrabka ku dhuftay waxa sababta u ah dhibaatada haatan ka taagan deegaanada Awdal iyo salel, waxana uu yidhi, “Dalkuna waa inaga badan yahay oo waxa aynu kaga duwan nahay soomaalida kale waxa aynu nahay dad is wada dhalay, wada-dhalashaduna waa waxyaabaha isku keen xidhaya, waxa khilaafkan ka taagan Salel iyo awdal ka dhaxeeya  abuuray doorashadii foosha xumayd.”

Guddoomiyaha  ayaa sidoo kale tilmaamay inay xukuumaddu madaxa iskugu dhufatay shacabka deegaankaas deggen, maadaama ay dhawr goor iyadoon la heshiinin dad iska sii daysay, “Waan ogahay iyadoon la heshiinin in odayaashii la sii daayey iyadoon labadii dhinac gacmaha la isku saarin, taasina waxa ay keentay in dil dambe dhaco, shan baa laga soo xidhay, haddan iyadoo guurtidii fadhido oo xariirad la fadhiyo oo labadii qolaba maqbuul tahay ayaa dawladdu Borama tagtay iyadoon la tashan guurtidii arrinta ku jirtey ayaa Odayaashii la sii daayey taasina waxa ay keenaysaa dhibaato iyadoo dalkeenu  wada mashaakil yahay.” Ayuu yidhi eng. Faysal Cali Waraabe.

Waxa kale oo uu Guddoomiye Faysal ka hadlay shidaalka dalka laga baadhayo oo  ku sheegay  inay shirkadahan yihiin qaar  budhcad ah oo lacago laga qaatay, islamarkaana aan wax shidaal ah baadhaynin, waxana uu yidhi, “Shidaal aan sharci loo samaynin ayaa la yidhi halla baadho, shirkaddaha adduunku waa kala wanaagsan yihiine kuwa dawladaha Baahan ka gaadhsiiya heshiisyada  intay waxoogaa lacag ah siiyaan madaxda Hadhawtana sii iibiya, ayaa halkan shandado waaweyn sita, dhulkiina cagafyaa la geliyey oo shidaal baa la soo saarayaa  baa la leeyey, lacag yar baa laga qaadanayaaye wax shidaal ah oo la soo saarayaa ma jiro.”

Eng. Faysal waxa war-war ka muujiyey rabshado uu sheegay inay dalka ku sii baahayaan, kuwaas haddii ay sii socdaan dalka dhacalsiin kara inuu ku dhaco dabinno cadowgu u qoolayo, waxana uu yidhi, “Wixii bariga burco ka xiga hay’aduhu ma tagaan oo waxa ay ku jiraan mandaqad qasan (crisis zone) Laascaanood iyo Sanaagta Barina la inoomaba ictiraafsana  inay somaliland tahaybaoo waxa la yidhaahdaa dhul lagu muransan yahay(Disputed Area) intii yarayd ee la inoo ictiraafsanaa Haddii la yidhaahdo Galbeedkii Nabad maaha Isaag-land Bay Noqonaysaa, waana ta la inala doon-doonayo”

Waxa kale oo uu Guddoomiye Faysal xukuumadda Somaliland ku eedeeyey inay ku hawllan  tahay kaliya sidii ay lacag u urursan lahayd, waxana uu tilmaamay inay cashuuro badan ku soo rogtay xoolaha dhoofaya si lacag badani ugu xerooto madaxtooyada, waxana uu yidhi, “Dawladdani waxa ay ku waalatay  lacag kuwan Gaalada ahna lacag bay ka qaadaysaa, cashuurtii xoolihii la doonayey in laga dhaafo ayaa loo soo wadaa in geeliina shan doolar lagu  daro adhigiina saddex dolar lagu daro, lacagtaasina madaxtooyada ayey ku xaroonaysaa, madaxtooyadu ka cir weyn tii hore waxaynu ku haysanay Dekedda, tani haamihii, waddooyinkii 2% bariga, maxjarkii iyo cashuurtii xoolaha way qaadatay  mana ogala in la  toosiyo in la mucaaradan ma ogola”

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Uced Eng. Faysal cali waraabe, waxa uu sheegay inay xukuumaddu cabbanaan darteed waajib kaga dhigta xarumaha waxbarashadu munaasibadaha ay leeyihiin inaan looga yeedhin mucaaradka Haddii kale ay  xukuumad ahaan ka maqnaan doonaan, taas oo uu sheegay inay hawl-wadeenada kalena ka yeeleen, waxana uu yidhi, “Dawladdani waxa ay gaadhay inay Jaamacadihii aanu aniga, siilaanyo iyo madaxweyne Riyaale is ag-fadhiisan jirney ee waliba aanu khaladkiisa u wada sheegi jirney, waxa ay geeyeen waraaqo ay ku leeyihiin Haddii aad munaasibadihiina mucaarad keentaan,  annagu iman mayno, cidkastaaba haka oggolaatee Saleebaankii weynaa ee Mutacalimka ahaa baa ka oggolaaday oo Cammuud aan noogu yeedhayn.”

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com