Uncategorized

Mareeyaha Dekedda Berber Oo Xabiga Dhigay Caaqil ay isku Beel Yihiin

xoorxoorBerbera:6–2013Sep(SDN)_Caaqil Daa’uud Cabdi Jaamac oo  Toddobaadkan horraantiisii calee-saarkiissa muran ka dhashay, ayaa waxa xabsiga u taxaabay Maareeyaha Dekedda Berbera oo ay iskuu beel yihiin, walina ma cadda sababta rasmiga ah ee uu caaqilkaasi u xidhan yahay.

Caaqilkan ayaa horraantii Toddobaadkan lagu  waday in lagu caleemo-saaro Degmada Mandheera, gaar ahaan deegaanka Carroweyne oo Beeshu degto ayaanay arrintaasi suurto gelin ka dib markii ay ciidan SPU ahi hor istaageen in munaasibaddaasi qabsnoonto, sida ay noo xaqiijiyeen dad goob ahaa.

Ciidamada oo markii ay goobta yimaadeen shacabkii madashu waydiiyeen sababta ay munaasibadda u hor istaagayaan, ayaa sheegay inay amar ka haystaan Maareey cali xoor-xoor, kaas oo ku amray inay joojiyaan caleemo-saarka caaqilkan cusub.

Warar kale oo isla deegaankaass aanu ka helayno ayaa sheegaya inay caaqilkan ashkateeyeen  cuqaal kale oo ay isku beel yihiin kuwaas oo ka cadhooday erayo uu hal-ku-dhig uga dhigtay caleemo-saarkiisa oo koobsanayey inuu guud ahaan beesha caaqil u yahay.

Caaqilkii diyaarka uu ahaa in la cumaamado iyo dad kale oo ku hawllanaa caleemo-saarkiisa, ayaa ilaa iyo hadda ku xihdan saldhigga dhexe ee Magaalada Bebera, mana jiraan wax war rasmi ah oo ka soo baxay maareeyaha Dekedda ama cid kale oo masuul dawladeed ah oo ka hadashay xadhiga caaqilkan.

 

Maareeyaha Dekedda Berbera oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka waydiino, ayaanay noo suurto gelin, waxase jira tuhun ah inuu amar ku bixiyey in xabsiga loo taxaabo caaqilkaas.

Arrintan uu ku xidhan yahay caaqilkani oo ah mid dhaqan, ayaanay wali ka  hadlin cuqaasha kale ee ay isku beesha yihiin midka xidhan, waxana loo malaynayaa inuu jiro muran dhex yaalla cuqaasha oo badiba ka soo horjeeda in cid cusubi ku soo biirto.

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com