Uncategorized

Qaar ka mid Ardayda Jaamacadda Hargeysa oo Hay’adda Caritas ku Eedeeyey Xadhigga Arday xabsiga muddo ku jira

Hargeysa:6-Sep-2013(SDN)-Qaar ka mid ah Ardayda wax ka barata jaamacadda Hargeysa, si kulul u cambaareeyey xadhig iyo tacaddi lagula kacay Arday ka tirsan jaamacadda Hargeysa oo muddo ku  jira jeelka.

jaamacaddArdaydan oo Maalintii shalay shir jar’aaid ku qabtay Magaalada Hargeysa, sheegay in ardaygaas oo ka mid ahaa ardayda firfircoon ee ra’yigooda cabira uu ku xidhan yahay maqaal la sheegay inuu ka qoray Hay’ada Caritas, isagoo haatan xidhan muddo aan ka yaran laba bilood.

Sidoo kale waxa waxa ay ardaydani sheegeen inaan wiilkaas ra’yigiisa lagu haysto aan wali maxkamada la soo taagin, waxana ay xadhigiisa dusha kaga tureen Hay’ada Caritas oo  ay sheegeen inay u adeegsatay lacag xadhigiisa.

mustafe xasan maxamuud, cabdirixiin maxamed cilmi iyo axmed maxamed qalinle oo dhamaantoodba kamida ardayda wax ka dhigata jaamacada hargeisa ayaa  xukuumadda siilaanyo ugu baaqay in ardaygaasi hadii uu danbi leeyahayna maxakamada la hor keeno hadii kalena xorriyadiisa loo soo celiyo.

Ardaydan ayaa sidoo kale xukuumadda ku eedeeyey inaanay  waxa kalsooni ah oo ay shacabka ka haysataa aanay jirin waayo waxay xukuumadani ay noqotay bay yidhaahdeen mid xabsiga ku ridda qof kasta oo dareenkiisa cabiraa.

Hay’adda Caritas oo ka mid ah Hay’adaha ugu waaweyn ee dalka jooga, ayaa la sheegay inay soo abaabushay xadhiga ardaygan iyadoo ciidanka amaanka adeegsatay, waxana arrintaasi ay si gaar ah u damaqday ardayda jaamacadda oo ka murugaysan tacaddiga lagula kacay arkday ardaygaas fikirkiisa cabiray.

Sidoo kale waxa hadda ka hor jirey dad badan oo loo xidhxidhay hay’addaas, iyadoo  shacabku haatan kuu eedaynayaan hay’adda caritas mid ku fooggan xidhxidhidda, cabudhinta iyo xoog u sheegashada dadka shacabka ah ee shaqadeeda dhaliila, iyadoo adeegsanaysa ciidamada amaanka, maadaama ay xadhigga bulshada ku bixinayso lacago adag.

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com