Uncategorized

Maraykanka iyo Somalia Oo Jawaab ka Bixiyey Hadalkii Al Amriki

 

Muqdisho:6-Sep-2013(SDN)- Xukuumadaha Soomaaliya iyo Marayakan ayaa jawaaba ka bixiyey Hadalkii ka soo yeedhay Toddobaadkan Abuu Mansuur Al-amriki oo sheegay inuu ka baxay ururada Al-qaacida iyo Al-shabaab oo uu hore uga mid ahaan jirey.

xamaamiXukuumadda Washington ayaa sheegtay inaanay waxba iska beddelin mawqifkeedii ku aaddanaa cumar Al-xamaai, islamarkaana wali madixiisu ugu joogo 5-tii milyan ee Doolar ooh ore loo dul dhigay.

Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in ay beegsan doonaan ninkan iyo ajaaniibta kale ee ku sugan dalka Somalia.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay adagtahay sida loo aamini karo hadalka ka soo yeedhay Amriiki, waxaana ay shegtay inaanu  xaq u lahayn in uu sii joogo dalka haddii uu ka bixi waayana  uu ku dhimman doono furumaha dagaalka

Afhayeenka madaxweynaha Somalia, Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay ninkan in uu mas’uul ka ahaa dilka dad badan oo aan waxbo galabsan iyo in uu maskaxda ka badalay dhallinyaro badan oo is-qarxiyay.

“Waa ay adagtahay sida lagu aamino karo hadalkaas, waayo waa nin maskaxda saartay dilka dad badan oo Soomaali ah,Waa nin argagixiso caalami ah Waxa uu sheegayo ma aha wax ka jira, waa in uu dalka isaga tago”

Si kastaba, Amriikii oo la weydiiyay sababaha keenay in uu yimaado Soomaaliya, wuxuu sheegay in Soomaaliya uu yimid sannadkii 2006-da xilligaas oo dalka ay soo galeen ciidamada Ethiopia,  wuxuu kaloo sheegay in uu xaq u leeyahay in Soomaaliya u yimaado maadama maxkamadihii islaamka ay dagaal kula jireen cadowgooda Ethiopia.

Tallaabada uu Al-amriki ku sheegay inuu ka tanaasulay fikirkiisii ku aaddanaa daqaalada Al-shabaab waddo, ayaa waxa uu sidoo kale dhabar jab ku hayay ururka Al-shabaab oo wax badan ku qabay ninkan maraykan ah, waxana laga yaabaa inay haatan wixii ka dambeeya isku bahaystaan sidii loo khaarajin lahaa.

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com