Gaalkacyo Sept 06,2013(SDN)-Nabad doonka guud ee beelaha Leylkase ee gobolka Mudug Maxamed Xaashi Cigaal oo saxaafada u waramay ayaa ka hadlay nidaamka wax wada qeybsiga Puntland in aanu aheyn mid dheeli tiran.
“Isbadalada Puntland ka socda waa ay ila wanaagsan yihiin, laakiin aniga qof ahaan waxa ay iila muuqataa wax qeybsi sax ah in ay dadka Puntland ku nool ay wax u qeybsadaan gaar ahaan maamulka baarlamaanka oo 66 xildhibaan ka kooban in dadka Puntland si sax ah ay u qebsadaan ee aysan noqonin qolo gaar ah in ay qaadato ama waxa ugu badan ay qaadato dadkii kale oo ka qatan”.
Nabadoonka ayaa mar uu si toosa uga waramamayay saamiga beeshiisa ee Puntland waxa uu sheegay”Dadka aan anigu oday dhaqameedka u ahay waxa ay gobolada Bari, Nugaal iyo Mudug 3daas gobol ay dagaan baarlamaanka Puntland waa 66 Xubnood waxa oo qura oo ay ku leeyihiin 3 xubnood taas oo ilaa markii Puntland la dhisay ay ka qeylinahayeen ay leeyihiin xaquuqdaas baa naga maqan”.
Nabadoonka mar uu ka waramayay in cabashadan uu u guddbiyay maamulka Puntland ayuu yiri”Waan u gudbinay run ahaantii Garoowe ayaan tagay madaxweyne Cabdiraxmaan baan xafiiskiisa ugu tagay waxa uu igu yiri miyaan dowladii Maxamed Siyaad Bare wax idiin qaban markii aanu niri Iskooladii baa dhibaateysan dadkii baa biyo la aan ah jidadkii baa haleysan saldhig booliis maleh boosto maleh xabsi maleh wax in aad nala qabataan rabnaa waxa uuna noogu jawaabay dowladii Maxamed Siyaad Bare miyeysan wax idiin qaban.
Wasiirka caafimaadkaan ayaan u tagay 840 qof baa wasaarada ka shaqeysa ayuu igu yiri yaa dadka kaga jira ama garoowe ha daganaadeen ama bari ha daganaadeen, ama Mudug ha daganaadeen maya ayuu igu yiri, wasiirka maaliyadaa u tagay, wasiirka waxbarashadaan u tagay, wasiirka amaankaan u tagay, gudoomiyaha gobolkaan u tagay waan wada tagay waxa ay noqotay rati hal dhinac ka raran hade rati hal dhinac ka raran marka danbe haamuhuu hoosta marsadaa dowladnimada Puntland waxa ay noqoneysaa shacabka Leelkase xaqa u leeyihiin hadeysan ka helin in ay isaga tagaan oo umadaha Soomaaliyeed wax ku darsadaan oo dowlada Fedraalka ah waxa ay xaqa u leeyihiin aan loo marin Puntland oo iyaga toos loogu geeyo”.ayuu nabadoon Maxamed Xaashi Cigaal hadalkiisa ku soo gunaanaday.
SDN-Gaalkacyo
contact@somalidiasporanews.com
