Uncategorized

Toos u daawo shirka arrimaha Soomaaliya ee Brussels

Berbera 16.09.2013 (SDN)- Shirka Hiigsiga Cusub ‘New Deal for Somalia’ ayaa saaka ka furmay magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgium.

Shirka oo ay si wada-jir ah u marti-galinayaan dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta amniga, dhaqaalaha iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.

Shirka waxaa furay Mr Hermen Van  Rompuy  oo ah madaxweynaha Midowga Yurub oo sheegay in shirkan uu yahay mid xoogga saarayo sidii Soomaaliya loo caawin lahaa, islamarkaana looga taageeri lahaa in ay gaarto mustaqbal ifayo oo ka wanaagsan kan ay hadda taagan tahay

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna furitaanka shirka hadlay, wuxuuna sheegay in dowladdiisa ay u baahan tahay in laga caawiyo dhismaha ciidamada, taasoo uu xusay in haddii ciidanka la dhiso la heli doono amni buuxa oo waddanka xasiliyo
Xasan Sheekh waxa uu yiri: “Shirkan wuu ka duwan yahay shirarkii hore ee London ama kii Tokyo”, waayo waa mid Soomaaliya waji cusub u furayo.”

In ka badan 200 oo wafdi oo dalal, ururro, hay’ado horumarineed iyo deeq-bixiyeyaal isugu jira ayaa ka qeyb-galaya shirka.

Dalalka Midowga Yurub ayaa la filayaa inay dhaqaale lagu horumariyo ciidamada Soomaaliya, dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah iyo horumarinta bulshada ay ku taageeraan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Catherine Ashton oo ah wakiilka Midowga Yurub ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga ayaa shir guddoominaya.