Brussels:17-Sep-2013(SDN)-Madaxweynahas Dawladda Federalka ah ee Somaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horrasay ka hadlay dilkii Dhawaan kooxda Al-shaaba ku fulisay Dagaal-yahankii Maraykana ahaa ee Cumar Xamaami.
Madaxweynaha oo waraysi siinayey I daacadda VOA-da, ayaa dilka Cumar Xamaami ku tilmaamay dhamaadkii iyo Gabal-dhicii ururka Al-shabaab, waxana uu tilmaamay inaanu ka duwanayn kuwii hore ee ay iska dileen.
Sdioo kale waxa uu madaxweynuhu sheegay in dilka Cumar Xamaami uu sababay Guul darrooyinkii xukuumaddiisu dusha ka saartay ururka, “Dilka Xammaami waa dhamaadkii al shabaab, kuwo kale oo iyaga ka tirsanna waa kuwii hore u dilay, waxana sababay Guuldarrooyinkii Xukuumaddu gaadhsiisay Al-shaaba, Haddii Guuldarooyinku battaan faro taag-taagu waa iska yimaaddaa” ayuu yidhi madaxweyne Xasan sheikh.
Madaxweyne Xasan oo haatan ku sugan dalka Beljium-ka oo xukuumaddiisa loogaga yaboohay lacag aad u tiro badan, ayaa hadalkiisa laga dhadhasan karayey sida uu ugu faraxsan yahaya lacagaha badan ee loo ballan qaaday.
Waa markii ugu horraysay ee uu madaxweyne Xasan ka hadlo dilka shabaab ku fulisay Cumar Xammaami oo ahaa xubin si aad ah maraykanku ugu raad-joogeen, waxana uu maalintii khamiistii qudha ka jiray koox uu soo Hogaaminayo Axmed Cabdi Godane ka dib markii uu khilaaf dhex maray.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com
