Port Elizabeth:17-Sep-2013(SDN)- Iyadoo maalintii shalay xatooyo Ba’an loo geystay dukaamo soomaalidu ku leedahay Magaalada Port Elizabeth ee Dalka Koonfur Afrika, ayaa waxa ay Boolisku sheegeen inay arrintaas u xidheen Toddoba ruux.
Booliska ayaa caddeeyey inay dadkaa la hayo uga shakisan yihiin inay ka dambeeyeen dhacii loo geystay soomaalida halkaas ku nool oo xoolo badan laga gurtay badhna laga dhacay.
“Waxaan xaqiijin karnaa in todobo ruux oo laga shakiyay la xidhay laguna eedeeyay inay sameeyeen dhibaato ka dhan ah bulshada, dhamaan dadkaasi laga shakiyay waxay ku jiraan da’da labaatanaad”ayuu yidhi Afhayeen ciidamada booliska u hadlay oo lagu magacaabo Sibongile Soci.
Waxaa uu sheegay afhayeenkaasi u hadlay ciidamada booliska in dhamaan dadkaasi la qabtay lasoo taagi doono maxkamad ku taala dalkaasi, maanta oo salaasa ah, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale afhayeenka ciidamada u hadlay ayaa sheegay ilaa iyo iminka inaanay jirin falal kale oo waxyeelo loogu geystay shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in ciidamada booliska ay qiimeynta xaalada sameyn doonaan.
Ku dhawaad 10 dukaan oo ku yaala deegaanka KwaZakhele iyo New Brighton ayaa la sheegay in la weeraray oo dadkii ku jiray waxyeelo loo geystay.
Afhayeen kale oo lagu magacaabo Miranda Mills ayaa sheegay in labo dukaan oo goobta ku yaala la bililiqeystay lana gubay, halka dukaamo kale la weeraray, sida uu sheegay.
Arrinan ayaa si gaar ah uga farxisay soomaalidii waxyeellada loo geystay, waxana ay haatan wixii ka dambeeya dhawrayaan bal waxa laga yeello ragga gurtay xoolihii ay inta muddada ah ku soo tabcayeen.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com
