Burco 17.Sep 2013 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Xiliyadii danbe ee xalay waxa uu Magaalada Burco kulan kula qaatay Madax dhaqameedka Gobolka Togdheer isla markaana ay ka wada hadleen xaalada guud ee Gobolka iyo ta dalka Guud ahaan waxaanu Madaxweynuhu faahfaahin ka siiyay safarka uu ku marayo Gobolada bariga isagoo ka Jawaabay hadalo ka soo yeedhay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland oo sheegay in Madaxweynihii,Madaxweyne xigeenkii iyo wasiirkii arrimaha Guduhuba ay Caasimada ka Maqan yihiin .
Madaxweynuhu waxa uu shegay in Somaliland ay tahay dal dimuquraadi ah oo markastaba ay caadadiisa tahay dhaliisho hasa yeeshee waxa uu hoosta ka calaamadiyay inaanay Ogolayn ashkaasta sheegata Golayaasha isagoo bulshadana ka dalbaday inay ku taageeraan wixii ka Hor Imanaya Qawaaniinta dalka u degsan sidii ay Meesha uga saari lahaayeen
Waxa uu Madaxweyne Siilaanyo Tilmaamay in Mashaariicda ay Gobolka ka fuliyeen ay Yihiin kuwo dan u ah dalka iyo dadka.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Shirka.MP3″]
HALKAN GUJJI OO MOBILKAAGA UGU DHEGEYSATO HADALKA MADAXWEYNE SIILAANYO
