Uncategorized

Dhallinyaro Reer Hargeysa ah Oo Wasaaradda Duulista Barbar Uga Balfiyey Eedo Loogu Jeediyey Dhismaha Madaarka Hargeysa

Hargeysa17-Sep-2013 (SDN)- Qaar ka tirsan dhallinyarta ku dhaqan Caasimadda Hargeysa  ayaa wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ku amaanay  shaqo fiican oo ay sheegeen in uu  ka qabtay  dib u dhiska madaarka Hargeysa oo ay ku tilmaameen mid uu wax weyn ka  bedelay muddadii dib loo dayactiraayey.

galbeedi Dhallinyartan oo shir jaraa’id Maalintii shalay  ku qabtay magaalada Hargeysa  waxay wasiirka duulista iyo hawada    ku sheegeen in aanu mutaysan  dhaliilo ay xuseen in qaar ka tirsan  mucaaridka dalku  ay ugu jeediyeen  dhismaha madaarka.

Khadar Cabdi kaarshe oo ka mid ahaa dhallinyartan ayaa isaga oo ka hadlay wax qabadyo kala duwan oo uu xusay in ay ku amaanantahay  xukuumadda madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka soo qaatay madaarka iyo waddooyinka oo iyana sheegay in wax weyn  laga qabtay “ Waxaanu halkan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo  ku amaanaynaa doorka horumarka leh  ee ay ka gaadhay m dhanka waxbarashada,  dhismaha madaarka ,  iyo waddooyinka “. Ayuu yidhi  Khadar Kaarshe.

 

Khaddar oo ka hadlay  dhaliilaha ay mucaaridku u soo jeediyeen dhismaha madaarka waxa uu yidhi “ Waxaan  leeyahay xisbiyada idinka ayaa ugu isticmaal badan madaarka oo ka duula kana soo dega markaa ninka maanta  wax  dhaliilaya  dee waa ka barri doonaya in uu kursiga madaxweyne Siilaanyo bedelo markaa yaanu isagu waxba iska sii sheegin”.

Geesta kale Ayaanle Galbeedi oo ka mid ahaa dhallinyarta  halkaasi ka hadashay ayaa  isna waxa uu xukuumadda  ku amanay in ay adkaysay amniga oo ayna jirin wax cabsi ah oo hada ka jirta  amniga isaga oo yidhi “ Waxaa la ogyahay in amnigu halkii ugu fiicnayd taagan yahay  oo maanta bari ilaa galbeed nabad lagu seexanayo  waxaana  aan sheegayaa dadkii la haa amni xumo ayey Ethiopia Airline uga baxday Somaliland maaha sidaasi ee shirkahaha Daalo  Iyo Juba way joogaan oo iyaguba khabiiradoodii ayey wateen markaa  waxaana mahad iska leh  ilaahay ka sakaw xukuumada madaxweyne Siilaanyo oo wasiirk duulista ee wax qabadka badan lahi ka mid yahay “

Iid Xasan  Iyo Siciid  oo iyaguna ka mid ahaa dhallinyartan ayaa  iyaguna sii xoojiyey  hadalan ay xukuumadda iyo wax qabadkeeda ay ku sheegeen  dhallinyartan ka tirsan Hargeysa.

Hadalkan ka soo yeedhay dhallinyarta ku nool Deegaanka Hargeysa ee ay ku ammaanayaan waxqabadka Garoonka Hargeysa, ayaa waxa uu ka dambeeyey dhaliilo culculus oo mucaaradka Somaliland dusha ka saareen wasiirka duulista hawada Somaliland, waxana wali taagan murankii Garoonka, maadaama ay maqan tahay Diyaaradda Ethiopia Airline oo dhabaha saluug ka muujisay.

 

 

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com