Hargeysa17-Sep-2013 (SDN)- Qaar ka tirsan dhallinyarta ku dhaqan Caasimadda Hargeysa ayaa wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ku amaanay shaqo fiican oo ay sheegeen in uu ka qabtay dib u dhiska madaarka Hargeysa oo ay ku tilmaameen mid uu wax weyn ka bedelay muddadii dib loo dayactiraayey.
Dhallinyartan oo shir jaraa’id Maalintii shalay ku qabtay magaalada Hargeysa waxay wasiirka duulista iyo hawada ku sheegeen in aanu mutaysan dhaliilo ay xuseen in qaar ka tirsan mucaaridka dalku ay ugu jeediyeen dhismaha madaarka.
Khadar Cabdi kaarshe oo ka mid ahaa dhallinyartan ayaa isaga oo ka hadlay wax qabadyo kala duwan oo uu xusay in ay ku amaanantahay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka soo qaatay madaarka iyo waddooyinka oo iyana sheegay in wax weyn laga qabtay “ Waxaanu halkan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku amaanaynaa doorka horumarka leh ee ay ka gaadhay m dhanka waxbarashada, dhismaha madaarka , iyo waddooyinka “. Ayuu yidhi Khadar Kaarshe.
Khaddar oo ka hadlay dhaliilaha ay mucaaridku u soo jeediyeen dhismaha madaarka waxa uu yidhi “ Waxaan leeyahay xisbiyada idinka ayaa ugu isticmaal badan madaarka oo ka duula kana soo dega markaa ninka maanta wax dhaliilaya dee waa ka barri doonaya in uu kursiga madaxweyne Siilaanyo bedelo markaa yaanu isagu waxba iska sii sheegin”.
Geesta kale Ayaanle Galbeedi oo ka mid ahaa dhallinyarta halkaasi ka hadashay ayaa isna waxa uu xukuumadda ku amanay in ay adkaysay amniga oo ayna jirin wax cabsi ah oo hada ka jirta amniga isaga oo yidhi “ Waxaa la ogyahay in amnigu halkii ugu fiicnayd taagan yahay oo maanta bari ilaa galbeed nabad lagu seexanayo waxaana aan sheegayaa dadkii la haa amni xumo ayey Ethiopia Airline uga baxday Somaliland maaha sidaasi ee shirkahaha Daalo Iyo Juba way joogaan oo iyaguba khabiiradoodii ayey wateen markaa waxaana mahad iska leh ilaahay ka sakaw xukuumada madaxweyne Siilaanyo oo wasiirk duulista ee wax qabadka badan lahi ka mid yahay “
Iid Xasan Iyo Siciid oo iyaguna ka mid ahaa dhallinyartan ayaa iyaguna sii xoojiyey hadalan ay xukuumadda iyo wax qabadkeeda ay ku sheegeen dhallinyartan ka tirsan Hargeysa.
Hadalkan ka soo yeedhay dhallinyarta ku nool Deegaanka Hargeysa ee ay ku ammaanayaan waxqabadka Garoonka Hargeysa, ayaa waxa uu ka dambeeyey dhaliilo culculus oo mucaaradka Somaliland dusha ka saareen wasiirka duulista hawada Somaliland, waxana wali taagan murankii Garoonka, maadaama ay maqan tahay Diyaaradda Ethiopia Airline oo dhabaha saluug ka muujisay.
Somalidiasporanews.com
