Uncategorized

Nabad-doon caan ahaa oo Barqadii Maanta Lagu Toogtay Muqdisho

Muqdisho:17-Sep-2013(SDN)- Barqanimadii Maanta ayey kooxo Hubaysani Magaalada Muqdisho Ku toogteen Nabadoon Caan ka ahaa Degmada Hodan.

 

BASTOLADNabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Faarax Shidane waxaana ay  ku toogteen kooxahaan hubaysan meel aan sidaasi uga fogayn  Hoygiisa oo ku yaalla xaafada taleex ee Degmada Hodan Gobolka Banaadir.

 

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa la sheegay in uu ka mida haa ergadii Xasan daahir aweys ee ka keenay markii uu ka soo baxsaday shabaab magaalada cadaado ee Gobolka gal gaduud.

 

Dilkaasi ka dib ayaa waxaa Goobta soo gaadhay Ciidamo ka tirsan Dowladda oo isugu jira Boliis iyo Nabad sugid kuwaasi oo Baadhitaano ay ku baadi goobayaan kooxahii falkaasi geystay ka bilaabay goobta.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid  si rasmi ah gacanta loogu dhigay oo lagu eedaynayo dilka Nabad-doonkan, waxana ay ciidanku ku hawllan yihiin Baadhitaanno waaweyn oo ku baadi goobayaan ciddii nabad-doonka dishay.

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com