Hargaysa 17.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Md Xuseen Cabdi Ducaale oo maanta shir jaraa’id xafiiskiisa ku qabtay ayaa kaga hadlay socdaalkii uu dhowaanahan ugu maqnaa dalka dibadiisa iyo wadahadaladii ay magaalada London kula yeesheen Shirkadda qodista shidaalka ee Genel Energy.
Wasiirka oo ka hadlayey arinta ku saabsan shirkadda Genel Energy waxa uu sheegay inay shirkaddu hakinta shaqadeeda sabab uga dhigtay xaaladda ammaanka ee Gobolka geeska afrika oo wax iska bedeleen, ka dib markii wasaaradda arimaha dibadda ee Britain ay uga digtay muwaadiniinteeda in aanay tegin dalkii la isku odhan jiray jamhuuriyadda Somalia.
Wasiirku waxa uu sheegay in Somaliland aanay ka jirin haba yaraatee wax ammaan darro ah taaoo ay la qaateen mas’uuliyiinta shirkadaasi markii wadahadal ku dhex maray magaalada London, dibna ay u bilaabi doonaan shaqadii ay ka haysay Somaliland.
Md Xuseen Cabdi ducaale waxa uu halkaa ka caddeeyey in shirkado kale oo shidaalka baadhistiisa iyo qoditaankaiisa ka hawlgalaa ay Somaliland shaqo ka bilaabi doonaan sanadka cusub bilowgiisa
Wasiirku waxa uu sheegay in xukuumaddu si rasmi ah warbixin dhamaystiran uga soo saari doonto hawsha ku saabsan shirkadaha qodista shidaalka iyo is afgaradkii ay ku soo gebabeboobeen wadahadaladii labada dhinac,
Dhanka kalena Md Ducaale waxa uu sheegay inay jiraan dhinacyo kale oo ku hawlan falal lagu curyaaminayo hawsha shidaal baadhista ee dalka ka socota, lama huraana ay tahay in gacmo wada jira lagaga gudbo marxaladda taagan haday tahay shacab, xukuumad iyo mucaarad-ba, saxaafadana dhankeeda ay xil iska saarto oo aanay iskaga darsamin toosinta iyo qaran dumisnimadu
Gebagebadii shir jaraa’idkaasi ayaa wasiirka macdanta iyo tamartu waxa uu xaqiijiyey in shir caalami ah uu kaga qayb galay dalka Australia guulo badana ay Somaliland uga soo hoyden.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
