Burco 17.Sep 2013 (SDN)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigiisii oo socdaal shaqo ku jooga gobolka Togdheer, ayaa maanta dhagax dhigay sadex dugsi waxbarasho oo laga hirgelinayo magaaladda Burco, kuwaasi oo laba ka mid ahi yihiin dugsiyo sare.
Dugsiyadan ayaa laga kala hirgelinayaa xaafadaha Saleeban kulul iyo Xaafada October oo u madaxweynuhu dhagax-dhigay, sidoo kale madaxweynuhu wax au dhagax dhigay Dugsi hoose dexe ooo loogu tallo galay xaafada Maxamed Cali ee magaaladda Burco.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu isla maanta kormeer ku tagay dhismaha wadada hawsheedu socoto ee isku xidha magaalooyinka Burco, Oodweyne iyo Caasimadda Hargeysa, waxaanu ku wareejiyay afar cagaf oo wakaaladda waddooyinka ee wasaaradda madaxtooyaddu ugu tallo-gashay in lagu dhiso jidkaasi.
Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa ka gudoomay fureyaashii afartaas cagaf Guddoomiyaha Gudida horumarinta gobolka Togdheer Maxamuud Aadan Dheri.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa kale oo uu isla magaaladda Burco ku dhagax dhigay dhismaha 200 oo guri oo ay dawladda hoose ee Burco binaynayso oo loogu tallo galay in loo soo raro qoysaska ku jira guryaha dawladda ee xukuumaddu u baahan tahay xiligan.
Dhismaha Guryahan ayaa si wada jir ah waxa iskaga kaashaday dawladda Hoose ee Burco iyo Ha’yadda UN/HABITAT, waxaana guri kastaa noqon doonaa sadex makhsin, suuli iyo madbakhii.
Geesta kalena waxa Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu kormeer ku soo maray dhisme casri ah oo loogu tallo-galay kawaanka cusub ee Burco oo maraya marxalad gabo-gabo ah.
Waxa kale oo uu madaxweynuhu kormeer ku soo maray Jaamacadda Burco, waxaanu saxeexay Buug jaamacaddu ugu tallo-gashay in lagu asteeyo cid kasta oo kaalin togan ka qaadata horumarinta gobolka Togdheer.
Waxa madaxweynaha Jaamacadda Burco lagu gudoon siiyay shahaado sharaf uu ku mutaystay horumarinta mashaariicda horumarineed ee gobolka Tog-dheer, waxaana shahaadadaasi ku maamuusay Gudida Horumarinta Tog-dheer iyo Maamulka Gobolkaasi.
Dhinaca kale Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde (Aamina Weris) ayaa iyana waxa ay soo kormeertay dhisme xarunta cusub oo Agoomaha Magaaladda Burco loo dhisaayo oo ay gacanta ku hayso hay’adda waddaniga ah oo la yidhaahdo Heedo taas oo laga hirgeliyey gobolka togdheer lana wado dhismaha Gurigii ay seexan lahaayeen oo qaadi doona ama lagu bilaabi doono 32 Agoomood, sidoo kalena waxa la dhamaystiray oo shaqeeya Riig loogu talo galay xurantani in ay iska lahaato oo sida sawirada ka muuqata shaqeeya.
Burco SDN.
Qurbejoog.com
