Hargaysa 17.Sep 2013 (SDN)-Xildhibaanada Golaha wakiillada Somaliland ayaa maanta dood kulul ka yeeshay xeerka Takaalliifta Waddooyinka oo dhawaan ay wasaaradda madaxtooyadu u soo gudbisay.
Mudanayaashii maanta dooddooda dhiibtay, ayaa intaada badani ka soo horjeestay in la meel mariyo xeerkan, waxana ay ku doodeen inaanu xeerkani ahayn mid ay dani ugu jirto umadda Somaliland, maadaama uu waajibinayo lacago aanay qaadi Karin shacabka danyarta ahi.
Xildhibaanada maanta Badheedhahooda ka dhiibtay waxa ka mid ahaa xildhibaan Bulqaas, xildhibaan Cabdiraxmaan-xoog, xildhibaan Baar siciid, waxana ay dhamaantood diidmo ka muujiyeen xeerkan cusub.
Xildhibaan Saleebaan Bukhaari oo ka mid ahaa xidhibaanada dooddooda dhiibtay, ayaa isagu si weyn ugu sacago tumay xeerkan, waxana uu ku dooday inaan laga maarmi Karin, maadaama waddooyin badan la doonayo in la dhiso.
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso dooda Xasaasiga ah
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WakiiladaWadooyin17(1).mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
