Uncategorized

Madaxweyne Siilaanyo Oo Reer Togdheer u sheegay inuu Koox Gaar ah ka shaqayn kari la yahay

Hargeysa:18-Sep-2013(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo) ayaa la sheegayaa inuu cabasho la hortegay waxgaradka iyo odayaasha Reer Burco.

KULANKAAASida ay sheegayaan warar hoose oo ay heshay shakadda wararka ee Q       urbejoog.com, waxa uu madaxweynuhu si cadho leh  ugu sheegay Kulankii magaalada Burco kula yeeshay inuu khaati ka joogo oo uu ka shaqayn kari la’yahay Kooxda Madasha wada-tashiga  qaranka oo uu ku sheegay Hay’ad sharci darro ah oo dalka Burburintiisa u soo tafo-xaydatay.

Madaxweynaha ayaa la sheegayaa inay u jeeddada uu haatan Burco ku joogaa ay kaw ka tahay sidii ay shacabka Reer Togdheer ugu sheegi lahaayeen in laga hortago kooxdaas  sharcidarrada wadda ee caanka ku ah dhaliisha iyo wax ka sheegga xukuumaddiisa.

Inkastoo inta badan saxaafadda Madaxa bannaani ay kulankaas dibadda ka joogta, haddan warbaahinta dawladda ayaa si toos ah u sii daysay madaxweynaha oo Baaq dheer u diraya dadka reer Somaliland oo uu ugu sheegayo inay si cad uga soo horjeestaan Madasha wada-tashiga oo haatan ah Hay’adda kaliya ee xukuumaddu indhaha gaarka ah ku eegto.

Sida ay sheegayaan wararka hoose qaar  ka mid ah odayaashii madasha fadhiyey ayaa madaxweynaha si cad ugu sheegay inay dagaal la geli doonaan kooxdaas uu madaxweynuhu sida aadka uga cawday, waxana ay ku  tilmaameen inay wixii haatan ka dambeeya si kulul u cabaarayn doonaan Madashaas.

Marka la eego weedhaha madaxweynaha ee warbaahinta laga sii daayey,  wax aka muuqata inuu geed u galo ka la’yahay madasha, isagoo ku andacoonaya inay xaqiraad iyo hoos u dhigid ku hawllan yihiin xilli ay yihiin Hay’ad aan wax sharci ah haysanin.

Ashkatada uu madaxweynuhu kula dhex dhacay shacabka reer Burco ayaa u muuqata mid kaga raadinayo Hiil muuqda oo ay la garab galaan, maadaama oo ay tahay meesha uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, waxana uu inta laga warqabo waxgaradkii koobnaa ee uu arrintaas u ban dhigay ka helay Ballanqaad iyo taageero Hoose.

 

 

 

Somalidiasporanews.com

 

Contact@somalidiasporanews.com