Hargeysa:18-Sep-2013(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo) ayaa la sheegayaa inuu cabasho la hortegay waxgaradka iyo odayaasha Reer Burco.
Sida ay sheegayaan warar hoose oo ay heshay shakadda wararka ee Q urbejoog.com, waxa uu madaxweynuhu si cadho leh ugu sheegay Kulankii magaalada Burco kula yeeshay inuu khaati ka joogo oo uu ka shaqayn kari la’yahay Kooxda Madasha wada-tashiga qaranka oo uu ku sheegay Hay’ad sharci darro ah oo dalka Burburintiisa u soo tafo-xaydatay.
Madaxweynaha ayaa la sheegayaa inay u jeeddada uu haatan Burco ku joogaa ay kaw ka tahay sidii ay shacabka Reer Togdheer ugu sheegi lahaayeen in laga hortago kooxdaas sharcidarrada wadda ee caanka ku ah dhaliisha iyo wax ka sheegga xukuumaddiisa.
Inkastoo inta badan saxaafadda Madaxa bannaani ay kulankaas dibadda ka joogta, haddan warbaahinta dawladda ayaa si toos ah u sii daysay madaxweynaha oo Baaq dheer u diraya dadka reer Somaliland oo uu ugu sheegayo inay si cad uga soo horjeestaan Madasha wada-tashiga oo haatan ah Hay’adda kaliya ee xukuumaddu indhaha gaarka ah ku eegto.
Sida ay sheegayaan wararka hoose qaar ka mid ah odayaashii madasha fadhiyey ayaa madaxweynaha si cad ugu sheegay inay dagaal la geli doonaan kooxdaas uu madaxweynuhu sida aadka uga cawday, waxana ay ku tilmaameen inay wixii haatan ka dambeeya si kulul u cabaarayn doonaan Madashaas.
Marka la eego weedhaha madaxweynaha ee warbaahinta laga sii daayey, wax aka muuqata inuu geed u galo ka la’yahay madasha, isagoo ku andacoonaya inay xaqiraad iyo hoos u dhigid ku hawllan yihiin xilli ay yihiin Hay’ad aan wax sharci ah haysanin.
Ashkatada uu madaxweynuhu kula dhex dhacay shacabka reer Burco ayaa u muuqata mid kaga raadinayo Hiil muuqda oo ay la garab galaan, maadaama oo ay tahay meesha uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, waxana uu inta laga warqabo waxgaradkii koobnaa ee uu arrintaas u ban dhigay ka helay Ballanqaad iyo taageero Hoose.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com
