Hargeysa:18-Sep-2013(SDN)-Wasiirka Macdanta iyo tamarta Somaliland ayaa maalintii shalay faahfaahin ka bixiyey sababaha rasmiga ah ee shirkadda Genel Energy dalka uga baxday, iyadoo uu u dhigayy qaab aan waxba ka beddelin wixii ay shacabku markii horeba aamin sanaayaayeen.
Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa sheegay inay shirkaddu dalka uga baxday Nabadgelyo darro ay xukuumadda Britain ku sheegtay Geyiga soomaalidu degto, taas oo keentay sida uu sheegay inay qaadato mawqifka ay dalka kaga laalaabatay.
Qaabka uu wasiirku warbixintiisa u jeediyey, ayaan waxba ka beddelin sidii ay xisbiyada mucaaradku hore ugu dhigeen, waxana uu sii adkeeyey nabadgelyo darraddii ay xukuumadda ku dhaliilayeen.
Sidoo kale wasiirka ayaa si iska hor iyo daba imanaysa u sheegay inaanay shirkadda Genel Energy dalka ka bixin oo ay soo noqon doonto, isagoon si toos ah u cayimin xilli go’an oo ay soo noqon doonto, bale ballan-qaad uun ku sheegay.
Wasiirka oo loo nisbaynayo inuu qayb weyn ku lahaa murugga iyo maamulxumada keentay inay shirkaddu dalka ka baxdo, ayaan bayaaminin meesha ay ku dambeeyeen qanadarasyadii shirkaddu xukuumadda kula jirtey, iyo waliba sababta uu heshiisyada shirkadaha shisheeye u horgeyn waayey Golaha wakiillada Somaliland.
Heshiiskii ay shirkadda Genel Energy la gashay xukuumadda Somaliland ayaa dad badani u haystaan inuu markii horeba ahaa mid xaaraan ah, maadaama aan la horgeynin Golaha wakiillada Somaliland, waxana uu wasiirku dhinac uga leexday inuu sababteed shacabka u sheego.
Wasiir xuseen oo haatan uun ka soo laabtay socdal kedis ah oo uu kaga daba tegay shirkadda Baxday, ayaan haddan macno la taaban karo iyo sabab la taaban karo midna kala soo guryo nonon safarkiisa, waxana uu ku guuldarraystay inuu shacabkiisa u sheego sabab lagu qanci karo oo shirkaddu dalka kaga baxday oo aan ahayn ammaandarro uu sheegay inay dalal kale ka jirto.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com
