Uncategorized

Dawladda Sucuudiga Oo Lacag Badan ugu Deeqday La Dagaalanka Budhcad-badeedda Soomaalida

Riyad:18-Sep-2013(SDN)-Dowlada Waddanka Sucuudiga ayaa maalintii shalay ku dhawaaqday inay la dagaalanka Burcad-badeedda ugu deeqday lacag gaadhaysa 300,000 oo doolar.

 

BUDHCADDTurki bin Mohammed bin Saud Al-Kabeer, ku xigeenka agaasimaha guud ee wasaarada arimaha dibada iyo xidhiidhka wadamada isku taga imaaraadka carabta, ayaa ku dhawaaqay arintaasi.

 

Kulan looga hadlay arimaha budhcad-badeeda ahaana kulankii saddexaad ayaa dhawaan ka dhacay magaalada Dubai ee wadanka isku taga imaaraadka carabta, kaasi oo qodobo dhowr ah ay kasoo baxeen.

 

Dowlada Sacuudiga ayaa sidoo kale sheegtay in jiraan Khubaro tababarro ku aaddan  la dagaalanka Budhcad-badeedda bixyaa.

 

Kooxaha budhcad badeeda Soomaalida ayaa qacabad ku noqday maraakiibtii isaga kala gooshi jiray xeebaha Soomaaliya iyo gacanta cadan, waxaana ay geysteen weeraro badan oo maraakiib ay ku afduubteen.

 

Waxaase sanadihii ugu dambeeyay yaraaday weeraradii ay geysan jireen kooxaha budhcad badeeda Soomaalida, iyadoo sababtuna tahay amaanka maraakiibta oo aad loo adkeeyey iyo budhcad badeed badan oo la xukumay.

 

 

Somalidiasporanews.com

 

Contact@somalidiasporanews.com