Uncategorized

Madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka oo Markale si Kulul u Weeraray Hoggaaminta iyo shakhsiyadda Madaxweyne Siilaanyo.

hargeysa:18-Sep-2013(SDN)-Madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka ayaa maanta mar kale si  ba’an u naqdiyey Hoggaaminta Madxweyne Siilaanyo iyagoo cambaareeyey Hannaanka uu ugu jawaabo mucaaradkiisa.

WADA DEEShir jaraa’id oo ay  ee Madashu ku qabteen Huteel Xaraf ee Magaalada Hargeysa ayey ku  sheegeen inay  dhawaan qaban doonaan shir qaran oo aayaha waddanka lagaga tashanayo.

Mujaahid xasan Guure jaamac oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay sii wadi doonaan u gurmashada iyo sii wadidda ka hadalka dayaca iyo baylahda ka jirta dalka, waxana uu  madaxweyne siilaanyo ku eedeeyey inuu u nugul yahay dhaliilaha  kaga yimaada dadka maamulkiisa dibadda ka ah.

Mujaahid Ibraahim dhego weyne oo halkaas ka hadlay  ayaa isaguna sheegay inay gole ahaan sugayaan qoddobaddii ay hore u soo jeediyeen jawaabteeda, waxana uu tilmaamay inuu  dalku ku socdo majare qaldan oo toosin u baahan.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Mujaahid Maxamed Xaashi cilmi oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa  xusay  in la qaloociyey siyaasaddii arrimaha Dibadda Somaliland, isagoo carrabaabay in loo baahan yahay in dib loo eego Hannaanka shirkadaha shisheeye ay dalka ku imanayaan ee shidaalka iyo khayraadka kaleba ku baadhaan.

 

Hadalkan maanta ka soo yeedhay madasha wadatashiga iyo toosinta ayaa ka dambeeyey cambaarayn kulul oo uu habeen hore madaxweyne siilaanyo uga soo jeediyey magaalada burco, isagoo ku sheegay  raga madasha isku  bahaystay Madasha qaarka sharcidarro wada oo dalka burburintiisa ku hawllan.

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com