hargeysa:18-Sep-2013(SDN)-Madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka ayaa maanta mar kale si ba’an u naqdiyey Hoggaaminta Madxweyne Siilaanyo iyagoo cambaareeyey Hannaanka uu ugu jawaabo mucaaradkiisa.
Shir jaraa’id oo ay ee Madashu ku qabteen Huteel Xaraf ee Magaalada Hargeysa ayey ku sheegeen inay dhawaan qaban doonaan shir qaran oo aayaha waddanka lagaga tashanayo.
Mujaahid xasan Guure jaamac oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay sii wadi doonaan u gurmashada iyo sii wadidda ka hadalka dayaca iyo baylahda ka jirta dalka, waxana uu madaxweyne siilaanyo ku eedeeyey inuu u nugul yahay dhaliilaha kaga yimaada dadka maamulkiisa dibadda ka ah.
Mujaahid Ibraahim dhego weyne oo halkaas ka hadlay ayaa isaguna sheegay inay gole ahaan sugayaan qoddobaddii ay hore u soo jeediyeen jawaabteeda, waxana uu tilmaamay inuu dalku ku socdo majare qaldan oo toosin u baahan.
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Mujaahid Maxamed Xaashi cilmi oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa xusay in la qaloociyey siyaasaddii arrimaha Dibadda Somaliland, isagoo carrabaabay in loo baahan yahay in dib loo eego Hannaanka shirkadaha shisheeye ay dalka ku imanayaan ee shidaalka iyo khayraadka kaleba ku baadhaan.
Hadalkan maanta ka soo yeedhay madasha wadatashiga iyo toosinta ayaa ka dambeeyey cambaarayn kulul oo uu habeen hore madaxweyne siilaanyo uga soo jeediyey magaalada burco, isagoo ku sheegay raga madasha isku bahaystay Madasha qaarka sharcidarro wada oo dalka burburintiisa ku hawllan.
Somalidiasporanews.com
