Hargeysa:18-Sep-2013(SDN)-Xeerka waddooyinka oo ayaamahanba dooddiisu ka socotayxarunta Golaha wakiilladda Somaliland, ayaa sababay inay xildhibaanadu gacanta iskula tagaan.
Xildhibaan Ibraahim Mahdi buubaa iyo Xildhibaan Axmed Nuur Kijaandhe, ayaa dagaal ba’an oo aan waxba la iskula hadhini dhex maray, ayadoon la sheegin wax khasaare culus ah oo labada xildhibaan dhex maray.
Dagaalka ayaa ka bilaabay Ka dib markii uu xildhibaan Kijandhe hadalka iyo doodda ka dhex galay Xildhibaan Bubaa oo hadal dheer oo uu doodda kaga soo horjeedo jeedinayey, waxana wada hadal kooban ka dib bilaabmay Dagaal iyo feedh badan oo la isweydaarsaday.
Shirguddoonka Golaha ayaan isagu wax hadal iyo ficil midna aan ka geysan dagaalka ka socda xarunta uu maamulo, waxana markii dambe soo kacay kala qabtay xildhibaanada kale ee Golaha.
Xeerkan Golaha horyaalla oo ah mid xaasaasiya oo Golaha ka dhex abuuray muran iyo buuq badan, waxana wali socota doodda iyo kala qaybsanaanta kala dhex taalla.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com
