Hargeysa:19-Sep-2013 (SDN) – Saddexda xisbi qaran, Koomishanka Doorashooyinka Qaranka iyo xukuumadda Somaliland, ayaa maalintii shalay kala saxeexday heshiis dhigaya in labada diiwaangalinood la kala saaro oo mudnaanta koobaadna la siiyo diiwaanglinta codbixiyeyaasha si aanay dib ugu dhicin doorashada madaxtooyada oo ku beegan 2015-ka.
Kulankan lagu saxeexay heshiiskan ayaa waxa soo qabanqaabisay Akadamiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland, waxana wada saxeexay saddexda xisbi qaran, koomishanka doorashooyinka iyo xukuumadda Somaliland.
Heshiiskan ayaa waxa goobjoog ka ahaa dhamaan daneeyeyaasha doorashooyinka, bulshada rayidka ah oo si gaar ah isha ugu hayey diiwangalinta si doorashooyinku ugu qabsoomaan wakhtigoodii loo igmaday, islamarkaana meesha looga saaro wax kasta oo dib u dhac ku keeni kara qabsoomiddeeda.
Kulankan ayaa Sidoo kale lagu xusay muhiimadda diiwangalinta madaniga ah iyo in ay u baahantahay in la siiyo wakhti dheer oo ku filan si loo hirgaliyo diiwangalin wada gaadha shacabka Somaliland oo dhan.
Heshiiskan ayaa waxa qalinka ku duugay Guddoomiyeyaasha saddexa xisbi qaran, Guddoomiyaha koomishanka doorashooyinka iyo wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha,Heshiiskanina waxa uu horseedayaa in la sameeyo diiwaangalinta codbixiyeyaasha si doorashada madaxtooyadu ugu qabsoonto wakhtigii loogu talogalay.
Qodobada Heshiiska Lagu Kala Saxeexday.
- Diiwaangalinta codbixiyeyaasha iyo ta madaniga ahiba aad ayey muhiim ugu yihiin qaranka Somaliland.
- Doorashadu waxay ku hirgalaysaa:
- Diiwaangalinta codbixiyeyaasha waxay si buuxda uga madaxbanaantahay diiwaangalinta madaniga ah.
- Waxa laga baxayaa khalkhalkii cidda qabashada doorashada leh
- Wakhtiga la haysto ayaa lagu qabankaraa diiwaangalinta codbixiyeyaasha.
- Waxaynu u madaxbanaanaanaynaa inaynu isticmaalo qalab casri ah oo suurgalinaya diwaangalinta codbixiyeyaasha.
- In siyaasadda laga saaro diiwanglinta madaniga ah
- Diiwaangalinta codbixiyeyaashu waa inaanay u wiiqmin lacag la’aan awgeed
- Waxa la dajinyaa jadwalka nidaamka diiwaangalinta iyo doorashada (Roadmap).
