Uncategorized

Agabar:Shirka Beelweynta Sacad Muuse Oo La Iclaamiyey Xilliga Rasmiga ah Ee Uu Furmayo

Agabar:19-Sep-2013 (SDN) – Shirguddoonka Shirka Beelaha Galbeedka iyo Waqooyiga Hargeysa (Sacad Muuse) Ee Hoodaale ayaa shaaciyey in qaban-qaabadii shirkaasi la soo gabo-gabeeyey, kuwaas oo iclaamiyey inuu maalinta maalinta Axada ee taariikhdu tahay 22/09/2013  si rasmi ah uga furmi doono Degmadda Agabar  ee gobolka Gabiley.

sacadShirgudoonka Shirka Agabar ee HOODAALE waxay ugu baaqday  ergooyinka shirkaasi inay diyaar ku ahaadaan Madasha loo qorsheeyey in shirkaasi ka furmo maalinta Axada, waxaana sidaas lagu sheegay Warsaxaafadeed ay Xalay soo saareen Shirguddoonka Shirka Beelahaasi oo nuqul ka mid ah ay soo gaadhsiiyeen Qurbejoog.com, kaas oo  uu ku saxeexnaa Afhayeenka Shirguddoonka shirka Mowliid Maxamed Muumin, isaga oo dhamaystirana u dhignaa sidan:-

“Shirguddoonka shirka HOODAALE ee beelwaynta Sacad Muuse ee degta Waqooyiga, Galbeedka iyo Oogada Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa waxay ugu bushaaraynayaan dhammaan bulsho weynta Sacad Muuse ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisaba in la dhammaystiray dhammaan hawlihii u diyaargarowga ee shirka Hoodaale ee degmada Agabar.

Sidaa darteed waxa la ogaysiinayaa dhammaan ergooyinka ka qaybgalaya shirka, in shirku si rasmi ah u furmi doono maalinta Axada ee taariikhdu tahay 22/09/2013, isla markaana ay ergooyinku diyaar ku ahaadaan madasha shirka ee degmada Agabar maalinta Axada ah”.

Somalidiasporanews.ocm

Contact@somalidiasporanews.com