Uncategorized

16 Qof oo Ku Geeriyooday Goob Carada laga Qodo oo Muqdisho ah iyo Dhaawaca kale oo Xaaladooda laga dayrinayo

Muqdisho 19.Sep 2013 (SDN)- Ku dhowaad 16 qof ayaa ku dhimatay, dad intaas ka badanna way ku dhaawacmeen, kaddib markii ay ku duntay goob laga qodo carro kaawada loo isticmaalo dhismaha oo ku taalla duleedka bari ee degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Carro-kaawo-300x240Guddoomiyaha degmada Kaaraan, Cali Calasow ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in goobta laga soo saaray maydadka 16-ka qof oo xoogsato ahaa, ugu yaraan saddex kale oo dhaawacoodu uu halis yahayna la geeyay isbitaalka Kaydsaneey ee degamada Kaaraan.

Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay in ay jiraan dad badan oo la rumaysan yahay inay ka hooseeyaan ciidda iyo dhagxaanta ku dumay, iyadoo ay baadi-doonkooda ku howlan yihiin cagaf-cagafyo iyo dadweyne badan oo ay ku jiraan mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa la aaminsan yahay in goobta ay ka shaqaynayeen ku dhowaad soddon qof,  inta aysan dumin, waxaana sidoo kale ka qayb qaadanaya raadinta dadka la la’ yahay maamulka degmada Kaaraan iyo gawaarida gurmadka deg-degga ah.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com