Uncategorized

Taliyihii Ciidamada Kenya ee Jubooyinka oo la bedelay iyo Sababaha soo dedejiyay Bedelkiisa

Nairobi 19.Sep 2013 (SDN) Wararka naga  soo garaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaay sheegayan in la badalay Taliyihii Ciidamada Kenya ee Goboladda Jubboyinka  Gen. Anthony Ngere.

talllGen. Anthony Ngere ayaa waxaa uu yimid ka dib marki lagu eedeyay  Musuqmaasuq iyo in uu gacan saar dhow la leeyahay maleeshiyo hab Qabaa’il uga Shaqaysa Magaalada Kismaayo isla markaana qayb weyn ka ah nabad galyo la’aanta ka taagan magaalada Kismaayo,Kuwaas oo dadka rayidka ah u geesanayaan boob, dilal, kufsi iyo barakicin baahsan, taas oo sababtay in dacwad laga gudbiyo Madaxdweynaha Kenya isamarkaana lagu dibadbaxo safaarada Kenya ee dalka Mareykanka
Dowladda Kenya ayaa waxaa la sheegay in ay Taliye Cusub usoo magacowday Ciidamadeeda ku sugan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo waxaana lagu wadaa in uu dhawaan  taliyaha cusub soo gaadho Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Waxaa ka marnayn badalka Gen. Anthony Ngere arriomo la xiriira siyaasada oo ay ka mid tahay in Dowladda Kenya aysan la dhacsanayn Heshiiskii dhawaan ku dhexmaray magaalada Addis Ababa Dowlada Soomaaliya iyo Madaxweynaha Juba land  waxaana la sheegaya in Isbadalka lagu sameeyay Saraakiishi hore ee Ciidamada Kenya ee ku sugnaa magalaada Kismaayo ay qayb ka tahay jilaafo Kenya ay la damacsantahay Axmed Madoobe  kadib markii laga war helay in Gen. Anthony Ngere usbuuci la siiyo $200,000 oo doolar lacagtaas oo qeeyb ka ah lacagta ka soo xaroota dekeda magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duboo isbadalka dhanka Ciidamada Kenya ee ka socda Magaalada Kismaayo ayaa waxa uu dhabarjab baaxad weyn ku yahay horjoogaha iyo maleeshiyo Taageersan Madaxweynaha Juba Land Axmed Madoobe , waxaana suura gal ah in magaalada Kismaayo ay dhawaan ka dhacaan isbadal siyaasadeed iyo mid ciidanba.