Uncategorized

Meheradihii Soomaalida ee Koonfur Africa oo dib loo furay iyo Boolis faro badan oo la hor dhoobay xafadahooda

Port Elizabeth Sept 2013(SDN)-Meheradihii Soomaalida ee ku yiilay xaafadaha Pot Elizabeth ayaa dib loo furay ka dib kolkii boob baahsan loo geystay maal mihii ina dhaafay.

Boobka ayaa yimi ka dib kolkii uu nin ganacsade ah oo Soomaali ahi toogtay will dhawr iyo toban jir ah ka dib muran ka dhashay daqiiqadaha Mobil.

In ka badan 150 Dukaan oo Soomaalidu leedahay ayaa gebi ahaanba la boobay dhawrkii maalmood ee u danbeeyay.

“Lama soo sheegin wax boob ah oo loo geystay dukaamada Soomaalida ee Port Elizabeth ilaa maalinimadii Arbacada” sidaa waxa tiri afhayeenka Booliska Brigadier Marinda Mills.

Afhayeenku waxa ay intaa raacisay in ciidamada Boolisku ay ku sii negaan doonayo xafadaha ay ku yaalaan dukaamada Soomaalida.

Soomaalida qaar ayaa weli qaba cabsi la xiriirta in ay dib u soo noqdaan boobkii lala beegsaday dukaamadooda.

Booliiska Port Elizabeth ayaa shaaciyay in ay xabsiga dhigeen in ka badan 111 oo ruux oo ku hawlanaa boobka dukaamada Soomaalida.

SDN-Port Elizabeth
contact@somalidiasporanews.com