Uncategorized

Goobaha Lagu Caweeyo ee Garowe oo 6 Habeenkii la Xidho doono iyo awaamiir kale oo Nabadgalyada lala xidhiidhiyay

Garowe 19.Sep 2013 (SDN)- Guddiga Nabad-galyada Gobalka Nugaal ayaa Kulan ay ku Yeesheen Magaalada Garowe waxay kaga hadlay dhowr arrimood oo ku aadan ammaanka iyo sidii looga hortagi lahaa falalka lidiga ku ah nabadda.

saw 7Gudoomiyaha Gobalka Nugaal ahna hoggaamiyaha guddigaasi Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo Warfidiyeenka la hadlay ayaa walaac ka muujiyay ardayda dhalinyaradda ah ee iskuulada dhigta,kuwaasoo qaarkood xiliyadii habeenkii qaata toorayadda, wuxuna sheegay inay tilaabo adag ka qaadi doonan dhalinyaradii lagu arko iyagoo wata waxyaabaha ammaanka kasoo horjeeda ay tilaabo ka qaadi doonan.

Sidoo kale waxa uu sheegay kulanka in looga hadlay in wixii ka danbeeya 6-da habeenimo ay xiran yihiin goobaha lagu caweeyo sida meherada cuntada lagu gado iyo goobaha kale ee dhalooyinka lagu daawada.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal ayaa sheegay inay ka xun yihiin in la iska xirto gaadiidka Dadwaynaha oo lagu soo eedayay danbi aysan waxba kala socon mamulka gobalka iyo kan degmada, wuxuuna sheegay inay muhiim tahay inay ka warqabaan tilaabooyinka ay laamaha ammaanka qaadayaan si wadajir looga hortago khataraha soo socda.

Qarjab ayaa sidoo kale waalidiinta Gobalka Nugaal ugu baaqay inay laamaha ammaanka kala shaqeeyaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxaha amaanka kasoo horjeeda ee diidan nabadgalyada.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com