Hargeysa: 4-Oct-2013-(SDN)-Magaalo-madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa intii muddo ahaydba waxa ka taagnaa Dhibaato ka dhalatay lacagtii shilin Soomaaliga ahayd oo la beddelay, waxana arrintaasi keentay isku dhacyo dhimasho gaadhay.
Shaqaadan oo muddo bil ku dhaw halkaas ka taagnayd ayaa lagu sababeeyey saluug Beelaha Magaalada Dega Qaarkood ka muujiyeen Hannaankii lacagtaas loo beddelay, waxana intaas ka dib magaaladu isku beddeshay inay kala qaybsanaato oo kala qoqobnaato, taas oo cabsi iyo kala shaki badan dhex dhigtay dadka Magaalada Deggan.
Inkastoo Baanka somaliland ku guulaystay inuu lacagtii ka beddelo magaalada, haddana Koonayaasha magaalada meelo ka mid ah ayaa wali laga isticaa lacagtii la beddelay ee Giimbaarta ahayd, waxana ay taasi keentay in xukuumaddu aad uga warwarto dhaqaale xumada lacagtaasi ku hayso dadka deegaankaas, iyadoo taas beddelkeedana xukuumaddu qorshaynayso inay koox wasiirro ah u dirto Magaalada Ceerigaabo.
Waftigan oo la sheegayo inuu Hoggaamin doono wasiirka madaxtooyada somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa u jeeddadooda lagu sheegay inay la xidhiidho inay ugu horrayn wax ka qaban doonaan mashaqada ka taagan lacagtaas la beddelay, waxana intaas u raacda inay shacabka reer sanaag ku wacyigelin doonaan inay u diyaargaroobaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen waddada Ceerigaab-Burco ee dhawaan madaxweynuhu dhagax dhigay.
Waftiga ayaa la sheegayaa inay xubno ka noqon doonaan wasiirka wasaaradda Gaashaanidhigga Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Wasiiru-dawlaha wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid(caddaani), waxana lagu wadaa inay raacaan xubno ka mid ah hoggaanka sare ee Baanka somaliland.
Wali lama shaacinin wakhtiga rasmiga ah ee Xubnahani Baqooli doonana, waxase la filayaa inay Ayaamahan foodda inagu soo haya amba baxaan.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
