Washington Oct 04,2013(SDN)-Haweeney shalay gelinkii danbe dooneysay in ay gaari jiirsiiso oo boolisku ku toogteen aqalka cad agagaarkiisa ayaa la shaaciyay magaceeda iyo muuqaalkeedaba.
Haweeneydan oo la yiraahdo Mariam Carey ayaa la sheegay in da’adeedu tahay 34 jir isla markaana ka soo jeeda gobolka Connecticut.
Haweeneydan ayaa sidoo kale la shaaciyay in ilmaha yar ee gaarigii ay wadatay laga soo saaray ay iyadu dhashay.

Mariam Carey ayaa la sheegay in ay leheyd xanuun dhanka dhimirka ah oo mudaba ay la tacaaleysay.
Sidoo kale ciidamada Booliska oo galay aqalkii ay degeneyd ayaa halkaa ka helay qoraal baqshad ku jira.
Warqada ayaa la sheegay in ay u qortay ninka ka dhalay ilmaha yar ee gaariga ay ku sidatay.
Si kastaba ha ahaatee dadkii la shaqeyn jiray iyo qaar ay jaar ahaayeen ayaa la sheegay in ay haweeneyda ku tilmaameen in ay aheyd ruux xasiloon oo debci wanaagsan.
Booliska ayaan ilaa iminka goaan ka gaarin sababha haweeneydan ku kelifay in ay isku qaado aqalka cad ee Mareykanka.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com
