Hargaysa 04.October 2013 (SDN)- Xukuumada Somaliland ayaa uga digtay Madax dhaqameedka Somaliland inaanay faraha la soo Gelin Kiisaska Kufsiga ah ee Soo Gala Maxkamadaha si ay Uga Garsooraan.
Ku simaha Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ahna ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Dawlada Somaliland Aadan Xero dhiig ayaa Wareegto uu soo saaray waxa uu Hogaanka dhaqanka uga digay inay ka waantoobaan soo faro gelinta Kiisaska Kufsiga ah oo Mudooyinkii u danbeeyay ku soo badanayay Somaliland.
Hasa yeeshee Madax dhaqameedka Somaliland ayaa sheegay inaanay Munaasib ku ahayn Wareegtadan ka soo baxday Xeer ilaalinta Guud .
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Warbxintan
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/XeerilaalinKufsi.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
