Washington Oct 05,2013(SDN)-Nin aan heybtiisa la garan ayaa meel aan sida auga fogeyn aqalka Cad ee dalka Mareykanka looga taliyo dab isku qabadsiiyay.
Dad goobjoogeyaal ahaa ayaa sheegay in ay arkeen ninkan oo Gaas uu ku sitay caagad madaxa ku shubtay isla markaana dab is qabadsiiyay.
Dadkii aaga ka dhawaa oo shaararkoodii la baxay ayaa isku deyay in ay ninka bakhtiiyaan.
Kooxda dab demiska oo goobta u gurmatay galabnimadii Jimcaha ayaa sheegay in ay haatan Cusbitaalka u gudbiyeen ninkan is gubay.
Waxaana xaalada ninkan lagu sheegaymid khatar ku sugan oo jirkiisa intiisii badneyd ay gubatay intii aan loo gurman.
Ninkan ayaan la garaneyn sababha ku kelifay in uu dabka isku qabad siiyo caaasimada dalka Mareykanka.
Ilaa iyo haatan lama shaacin ninkan magaciisa xaga uu ka soo jeedo iyo weliba da’adiisa toona.
Shalay ayuunbay aheyd kolkii haweeney xanuun dhanka dhimirka ah qabtaahi ay gaari ay wadatay jiirsiisay aqalka cad ka dibna ay ciidamada Amaanku toogteen.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com
