Uncategorized

Haweeney Lacago ganaaxa la dul dhigay ka dib kolkii ay Haweeney Soomaali ah gacan saartay,Maxey tahay sababtu?

Woolwich Oct 05,2013(SDN)-Haweeney ku nool xaafada Charlton ee dhacda Konfur bari Londo oo gacan saartay marwo Soomaaliyeed ayaa maxkamadi ku riday xukun ganaax ah oo guud ahaan teedu tahay £355.

Haweeneydan oo la yidhaahdo Tracy Davies oo 46 jir ah ayaa marwada Soomaaliyeed oo 55 jir ah ku weerartay xaafada Woolwich oo ay ku nooshahay.

Tracy Davies ayaa la sheegay in ay marwada Soomaaliyeed ku weerartay sababta oo ah waxa ay xirneyd  hagooga ay Dumarka Islamku xirtaan ee loo yaqaano Burka.

Maxkamada ayaa dhegeysatay sidii ay haweeneydani Uweerartay marwada Soomaaliyeed oo aan magaceeda la shaacin sababo la xiriira amnigeeda.

Iyo sidii ay dadka xaafada Woolwich ay booliska ugu yeereen isla markaana markhaatiga u fureen.

Maxkamada ayaa Tracy Davies ku ridau xukuno ganaaxa oo aida loo kala qaaday,maxkamadu waxa at takhsiir aah ugu riday Denbiilaha £150,Marwada Soomaaliyeedna waxa ay maxkamadu magdhaw ahaan u sii say £100,maxkamada ayaa  £105 kalena u qoondoonsay kharaashaadkeeda.

Maxkamda ayaa sheegtay weerarka ay Tracy ku qaaday Marwada Soomaaliyeed mi ka turjumaya naceyb ay u qabtoo astuurada Burkada.

SDN-London
contact@somalidiasporanews.com