Uncategorized

Dhaqtarka Salaxley oo ilmahii u Horeyey ku dhashay dhaqtarkan oo dhawaan hawl galiyeen Hablaha Gaarodii ee qurbejooga Dawasho Wacan Sawiro

Salaxley 09Oct13(SDN) wariyaasha ka hawl gala qurbejoog .com ayaa waxay booqasho ku tageen Degmada Salaxlley ee Gobolka Garoodi taas oo warbaxinta aad ku arkaysaan hawsha sida wacan ee u socoto taas oo Hooyadda Fooshu Qabato hore loogula Carari jirey Hargeisa, waxaaney Qaadanjirtey saacado badan, inay hooyadani hesho adeeg caafimaad, Umul aroorka iyo dhiig-baxa ayaa ahaa waxay la qabeen Bulshadda ku dhaqan Deegaanka Gaaroodi, Arintan ayaa waxaa ka dhiidhiyey oo ka gil-gishey Hablaha Deegaankaa meel walba oo ay dunida ka joogaan, waxayna isku biiriyeen maal iyo maskax intii eebe siiyay, iyagga oo qaar badani dahabkoodii u iibiyeen sidii loo bad-baadin lahaa Hooyadda uurka leh iyo ilmaheeda, Nasiib wanaag Maanta waxay Dhisteen Dhakhtar weyn oo shaqaynaya. waxayna maanta nasiib u yeeshay in wiilkii u horeyey uu ku dhashay dhaqtarkan isaga oo la filayo in dhaqtarkan ay ka faidaysan donaan caruur badan iyo hooyoyin badan .

qurbejoog. salaxlley

1374791_601893083179673_1978876448_n

 

1381595_601893209846327_1640720776_n979838_601893909846257_562956908_o