Gar adag 13.October 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada ee Dalkan JSL Md Xirsi Cali X Xasan iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey degmada Gar’adag ee Gobolka Sanaag,
Weftiga wasiirka oo uu ka mid yahay wasiirul dawlaha wasaaradda Waxbarashada Axmed Nuur Faahiye ayaa waxa lagaga hor tegay meel 10 KM u jirta magaaladaasi, halkaasoo ay ku qaabileen mayorka degmadaasi Md Faarax Aadan Ciise, ku xigeenkiisa Md Yuusuf Cabdi Axmed, Xoghayaha Degmada Ibraahim Ismaaciil Oogle, oo ay wehelinayan Cuqasha , waxgaradka, Ardayda dugsiyda, ganacsatada iyo dadweynaha caadiga ah.
Wasiirka madaxtooyada iyo weftigiisu ay dadweynha degmdaasi kala hadleen meel fagaare ah ugana warbixiyeen xaaladda siyaasadeed iyo ta horumar ee wadanku ku sugan yahay halka sidoo kalena ay si weyn ugala hadleen ka qayb qaadshada hirgelinta mashruuca wadda ceerigaabo. Iyagoo dhankoodana dadweynaha deegaankaasi muujiyey dareenkooda ku aaddan wadada ceerigaabo isla mrkana blanqadeen inay hiil iyo Hoo-ba u hurayaan hirgelinta waddadaasi.
Gar adag SDN.
Qurbejoog.com
