Uncategorized

Idaacada Radio Hargeisa oo ay ku Soo Biireen Laba Suxufi oo Ruug Cadaa ah Waa Hereri iyo Cawke.

Hargaysa 13.October 2013 (SDN)- Radio Hargaysa waa Idaacadii Kowaad ee Af Somali ku hadasha uguna Horaysay Taariikhda isla Markaana la furay dabayaaqadii dagaal weynihii labaad ee adduunka iyadoo Wakhtigaas Magaceedu ahaa  Radio Kudu

,Inkastoo markii danbe si rasmi ah loogu wanqalay Radio Hargeisa kaas oo ilaa iminka astaan u ah .

cawke iyo hereriRadio Hargaysa Waa Hooyadii Warbaahinta afka Somaliga ee ay Feedheeda ka farcameen dhamaanba Idaacadaha wax ku Gudbiya Luuqada Somaliga,Sida BBC,Radio Muqdisho, iyo Kuwa kale ee boqolaalka Magac sita .

Waxaa Xusid Mudan in Xiligii la furayay laanta afka Somaliga ee BBC In Weriyeyaashii lagu bilaabay dhamaantoodba laga qaatay Radio Hargaysa.

Mudo Nus qarni iyo Weliba sii Raac waxay Idaacada Radio Hargeisa u Muuqataa Mid soo Ceshenaysa Magacii ay ku dhex lahayd bulshada ku hadasha Luuqada Soomaliga waxaana Markii u Horaysay si rasmi ah uga hawl galaya Radio Hargaysa laba suxufi oo ruug cadaa ah isla markaana Magacooda laga yaqaan geyiga ay degaan dadka Somaliga ku hadla kuwaas oo kala ah Axmed Xasan Cawke oo Mudo dheer ka soo shaqeeyay Idaacadii Radio Muqdisho,Bbc,Voa,Telefishanka Universal, Sidoo kale Suxufiga Caan baxay ee C.salaan Ibraahin Hereri oo Wakhti badan ka soo shaqeeyay Laanta afka somaliga ee Bbc-da,Voa Qaybteeda afka Somaliga iyo Telefishanka Universal ayaa ku soo biiray bah’da Radio hargaysa iyadoo Maalmaha soo socda ay si Toos ah uga Warami doonaan Idaacada Radio Hargaysa .

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse oo ay Saaxiibo dhow yihiin labadan Suxufi ayaa dadaal badan u galay sidii ay uga hawl geli lahaayeen Radio hargaysa.

Talaabadan ayaa u muuqata Mid Xeeladaysan oo Wasiirku ku rabo in Weriyeyaasha ka hawl gala Idaacada Radio Hargaysa ay ka Kasbadaan Labadan Suxufi Waayo aragnimadooda .

Hereri iyo Cawke ayaa labaduba Sheegay inay iyagu diyaarsan doonaan wararka ay ummada u Tebinayaan si ay Tusaale ugu noqdaan da’yarta badan ee ka shaqaysa Radio hargaysa .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com