Uncategorized

Ciidamada Kala Duwan ee Somaliland oo ka walaacsan lacago aan Lagala Tashan Oo Jidka Ceerigaabo Mushaharkooda Looga Jaray

Hargeysa:16-Oct-2013(SDN)-Ciidamda kala duwan ee somaliland, ayaa si weyn uga walaacsan lacago loogu magacdaray Qaadhaanka waddada Ceerigaabo oo la sheegay in mushaharkooda laga jari doono Bil kasta.

FADALKACiidamada Militariga iyo Booliska oo iyagu ah ah aqoodda ugu badan eeciidan ee dalka somaliland leeyahay, ayaa iyagu ka biyo diidsan Hannaanka loo maray lacago lagu sheegay inay min $3 dollar oo bilkasta laga jari doono askari walba oo ka tirsan, taas oo aan iyaga wax talo ah laga weydiinin balse ay taliyayaashooda iyo Wasiir xirsi goosteen in laga jaro.

Xubno ka mid ah ciidanka oo la soo xidhiidhay Qurbejoog.com, islamarkaana ka cudurdaartay in magacooda la sheego, ayaa si weyn uga biyo diiday in lacagtaas talo la’aan lagaga gooyo, iyagoo waliba walaac ka muujiyey  cidda damaanad qaadaysa in lacagtaasi ay gaadho waddadii loogu talo galay, “ waxan walaac weyn iyo warwar ka qabaa lacagta lagu sheegay inay noqonayso saddex dollar oo bil kasta nalaga jarayo, taas oo lagu magacaabay inay waddada ceerigaabo geli doonto, waxana aan leeyahay mushaharkayga kama Go’do lacagtaasi, wayna igu badan tahay oo xaaskayga iyo carruurtayda marka horeb waxab umay taraynin waxa aan qaataa, waxana aan warwar ka qabaa inay lacagtaasi gaadhi doonto waddadii loogu talo galay.” Sidaas waxa qurbejoog u sheegay mid ka mid ah ciidanka somaliland oo magaciisa qariyey.

Dhinaca kale guuxa ciidamada kala duwan  ee dalka iyo dareenka  ay ka bixiyeen lacagtan laga jarayo, ayaa laga dareemayaa goobaha ay iskugu yimaaddaan iyo xeryahooda, gaar ahaan waxa walaacaasi uu iska soo daba dhacayaa ciidanka qaranka ee joog jiidda hore, kuwaas oo  ka biyo diidsan in laga jaro lacag gaadhaysa $3 dollar oo aan ka go’i karin mushaharka ay qaataan,  maadaama carruurtoodii ay iskuullo  iyo jaamacado ku jiraan, iyana ay jiid hore oo cidla ah joogaan halkaas oo ay ku isticmaalaan kharashaad badan.

 

Xukuumadda somaliland ayaa looga baahan yahay inay il gaar ah ku eegto lacagta ay u qoondaysay inay ka jarto ciidanka, waxana looga fadhiyaa inay saamiga ugu yar ka goyso ciidanka, maadaama ay iyagu yihiin kuwo ku nool duruuf gaar ah oo aan cid kale la wadaagin.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com