Uncategorized

Dawlada Kenya oo u qoondaysay lacag malaayin ah sidii ay ugu qancin lahayd dawlada UK inaan Miirooga laga joojin UK

London Oct 16,2013(SDN)-Sida aan ka soo xigtay wargeyska Standard ee Kenya. Ila  iyo intii ay dawlada Uk, ku dhawaaqday inay joojinayso Qaadka la keeno  Uk oo ahayd bishii July 3deedi.

Waxa jiray olale xoogan oo ka bilaabatay dalka Kenya  khaasatan gobolka uu qaadku ka baxa oo loo yaqaan Miiro County, waxanay  ka tashanayeen sidii ay uga hortegi lahaayeen go’anka ay qaadatay  Wasiirada Daakhiliga ee UK kaaso ku saabsana in laga joojiyo dalkan  gebi ahaan Qaadka.

Sidaan hore u sheegayba iyado ay dawlada Kenya ka  hesho lacag ku dhaw ila 80 million oo shilin sanadkiiba, taasoo ka mid  ah dhaqaalaha ugu badan ay dawlada Kenya ka hesho waxyaaba la dhoofiyo.   Aya hadana dadka ku beera Qaadka gobolka Miiraw waxay u ahayd habeen  madaw warka ku saabsana joojinta Qaadka ee UK markii lagaga dhawaaqay,  sababtuna waxay tahay iyagoo ku qabay dhaqaale iyo shaqa abuur intaba.

Si, kastaba ha ahaatee waxa bishii imika dhamaaday  ku shiray magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Madaxweynaha ku xigeenka  dalka Kenya Mr. William Ruto iyo Badhasaabka Gobolka Miiro Mr Peter  Munya waxanay ku heshiiyeen labada masuul in si wada jir ah arrinta  Qaadka ku saabsan looga wada shaqeyo, isla markaana ay dawladu ka cawiso  goboka sidii uu Qaadka looga si wadi laha dhoofinta dalka UK.

Arrintana way isku raaceen labada masuul waxanay  isku afgarteen inay u qoondeeyeen lacag dhan ila Sh 7 million taasoo  lagu maal gelin doono arrinta u olalaynta sidii Qaadka loogu dayn laha  Kenya inay u dhoofiso UK. Lacagtaas oo dhan ila Sh5 milliona waxa bixinaysa  dawlada dhexe , gobolka Miiroona wuxu bixin doona  Sh2 Million oo lacagta  ka mid ah.

Marwo Florence oo ka madax ah ururka dumarka ee Gobolka  Miiro ayaa tidhi

“ waxan ka codsanayna Parlamaanka Kenya inay isku  taxalujinlahaayaan sidii ay dawladaha Holland iyo UK ay uga dhadhicin  lahayeen inuu Qaadka Miiroogu tago dalkooda”  waxay tidhi dhaqaale  badan baanu ka hela , shaqa badana wuu noo abuuray, waxaaso dhamina  noloshayadii korbay u qaadeen caruurtayadiina waxbarashay noo heleen.

Inta ay sheegtay Florence ayaa ku ah caqabad reeraha  Somalida ah oo dhaqaalahoodii baa qaadka ku baxa, burbur reer, waxbarasho  la’an iyo caafimaad daraba. Waxa loo baahanyhay in dadkeenu sida u  fekeraan.

Dhinaca kale ururka isu taga dadka gobolka Wajeer  ee (NFD) imikana loo yaqan North Eastern Country , ayaa iyagu ku dhawaaqay  inay iyagu u ictiraaf sanyihin Qaadka Miirooga mukhadaraad.  Waxay  yidhaadeen anaku ku hadlayna magaca dadka somalida ah waxanu ka soo  horjeedna dooda ay ku doodayan gobolka Miiru oo ah in aanu ahayn Miiruugu  Mukhadaraad.  Waxanu leenahay waa Mukhadaraad dacwadii arrinta  aan ku sheegaynayna waxanu u gudbinay Maxkamada

Gunaanadkii, waxan u sheegaya dadka somalida oo dhan  inay ka go’antahay dawlada Kenya iyo Ethiopiapa inay iyagu ku socdaan  sidii Maandooriyaha Qaadka loogu dhoofin laha meelaha Somalidu degantahay,  si dhaqaalana uga helaan ay dalkooda ugu dhistaan kuwa kalena ku baabiyayan.

Ila imika ma aragno qof masuul ah oo Somaliland ah  ama Somaliya ah  oo arrinta isu taagay, waar Qaadkii talaw mawuxu noqday  Libaax laga baqay. Waxanay qoralkan ka mara kacaya sida ay Madaxda dawlada  Kenya arrinta uga dhiidhiyeen.

Waxanse u sheegayna dadweynaha Somalidu meelkasta  ha joogane, in aanu anuku balanqaadaynu inaanu anaku gacanta sare ka  yeelan doono dawladaha gumaysiga dadka somalida ah ku haysta, sababtuna  waxa weeye horta waxa hawsha nala wada Xildhibaanka Parlimanka UK, oo  laga soo doorto Milton keynes, Kaaso ah ninka arrinta gaadhsiiyay Wasiirka  Daakhliga iyo Parlamanka UK.  Sidaa daradeed inkasto aanan anaku  haysan Safaarada xoogan oo nala shaqaysa hadana anigu arrinka xitaa  waan kala hadlay MP Mr. Laercaster waananu u diyaargarawbayna sidaan  uga adkaan lahayd dawlada Kenya iyo Ethiopia.  Siyaasadan aanu  wadna waati ay Yuhuuda maraykaynka degeni ku heshay kalsoonida dawlada  Maraykanka oo kale.

Adan Jama Kahin

Gudomiye Ku Xigeenka

La Dagaalanka Qaadka.